Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa la sheegayaa inuu Khasaaro kala duwan kasoo gaaray shil gaari oo ka dhacay dulleedka Magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay 7 Askari oo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ayaa ku geeriyooday shilkaasi, halka 4 kalane uu kasoo gaaray dhaawac.
Shilka gaari ayaa ka dhacay Dulleedka Muqdisho,gaar ahaan Deegaanka KM-13, waxaana la sheegayaa in shilkaasi waxyeelo kasoo gaaray weriye ka tirsanaa Horn Cable Tv.
Sidoo kale, shilka ayaa yimid kadib markii gaariga oo xooli ku socday uu fariin-goostay, sidaana uu ku rogmay gabi ahaantiisa.
Dhanka kale, Madaxda DF, Wasaarada Gaashandhiga iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadal shilkaasi ay ku dhamaadeen Askari.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

