Video: Cali Galayr oo weeraray GAAS kadibna u duulay Ethiopia + Ujeedka

Buuhoodle (Caasimada Online) – Madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galeyr, ayaa maanta u dhoofay magaalada Addis Ababa isagoo ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Buuhoodle, halkaas oo u xalay soo gaaray.

Xubno ka mid ah maamulka Khaatumo iyo dadweynaha magaalada Buuhoodle ayaa ambabixiyay madaxweyne Galeyr oo diyaaradi ka qaaday garoonka Buuhoodle.

Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa saxaafadda si kooban ula hadlay inta uusan u dhoofin dalka Itoobiya, waxuuna sheegay ujeedka safarkiisa inuu yahay mid uu uga qayb-galayo shir looga hadlayo maamul-gobolledyada dalka kaas oo ka furmaya Addi Ababa.

Cali Khaliif Galeyr waxaa uu dhaleeceeyay dowladda Puntland, waxuuna sheegay in madaxda Puntland ay ka soo horjeedan maamulkiisa, isagoona inta ku daray inay ku haystaan qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Wax badan waan is-diidsiinay colaadda Puntland; balse hadda waa mid aan laga fursan karin oo Soomaalida ayaa tidhaaha – Qaniinyo Qaniiyo ayaa kaa fujisa,” ayuu yiri madaxweynaha Khaatumo.

Waa markii ugu horreeysay oo u safar dibadda ah galo madaxweynaha cusub ee Khaatumo tan iyo markii xilka loo doortay, balse waxaa la sheegay ka qayb-galka shirka Addis Ababa inay u wahelin doonto sidii uu u radin lahaa kalsoonida maamulka Khaatumo.

Deegaannada maamulka Khaatumo ayaa waxaa colaad ka hurinaya Somaliland iyo Puntland, oo doonaya inay ayaga ka mid noqdaan, balse madaxweynaha maamulka waxaa uu dhawaan sheegay inaysan ka mid noqon doonin maamullada dariska ah oo ay noqon doonan kuwa ka madax-banaan.

Halkan ka Daawo Cali Khaliif Galayr