Waqtiga dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya oo la shaaciyey iyo arrin ay KENYA dooneysay oo u hir-gashay !!

Maxkamadda Qarammada Midoobay ee Hague ayaa 17kii October 2014 waxa ay faafisay in ay xilli qararan u qabatay bilowga dhagaysiga dacwadda la xiriirta “Xadaynta Badweynta Hindiya ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya,” waa sida ku cad warsaxaafadeedka maxkamadda.

Warsaxaafadeedka ayaa sheegay in “Madaxweynaha Maxkamadda Hague (ICJ) uu 16kii October 2014 go’aamiyey in waqti sugan loo qabtay bilowga soo gudbinta diiwaan gelinta arrinta la xiriirta Xadaynta Badda ee Badweynta Hindiya ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.”

dacwaadWaqtigaas maxkamaddu qoondaysay ayaa ah 13 July 2015 iyo 27 May 2016 in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ay maxkamadda u gudbistaan/ka-diiwaan gashadaan wixii ay ku dacwoonayaan (Memorial) iyo dacwadda dalka kale gudbiyey wixii ay ka qabaan ama kala hor tagayaan (Counter-Memorial).

Warku waxa uu intaas raaciyey “In madaxweynaha Maxkamaddu uu qaraarkan go’aamiyey isagoo tixgelin siiyey aragtiyada qaybaha (Somalia iyo Kenya), isla markaasna hab-raaca xiga ay maxkamaddu leedahay go’aan ka gaaristooda.” (Hoos ka eeg warsaxaafadeedkii Maxkamadda.)

Waxaa soo ifbaxaya xeeladdii ay Kenya la doonaysey Soomaaliya, waayo markaad eegtid cinwaanka qoraalka Maxkamadda Hague waa “Xadaynta Badda ee Badweynta Hindiya ee u dhaxaysa Soomaaliya-Kenya,” taas oo laga dheehan karo in aysan markii hore cabbirnayn. Waxaana taasi ka hor imanaysaa xeerkii badda Soomaaliyeed ee u cabirnaa laga soo bilaabo 1972.

Dhanka kale, hadalka maxkamadda Adduunka ayaa ku soo beegantay xilli ay wafti ballaaran oo uu ka mid yahay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya ay ku sugnaayeen Hague, sida ay qortay Jariidadda Daily Nation ee ka soo baxda Nairobi Cadadkeedii 14 October 2014, qoraal ay cinwaan uga dhigtay (Talks due on Somalia border suit.)

Qoraalkaas Jariidadda ayaa sheegay in Kenya ay tageen Hague kaddib markii lagu guul daraystay wada hadalkii madaxweyne Kenyatta iyo dhigiisa Xasan ay ku yeesheen New York dhawr toddobaad ka hor. Warka ayaa sheegay in wafti khubaro-qareenno ah oo uu hoggaaminayo Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai ay la kulmeen madaxweynaha maxkamadda Hague, Mr Peter Tomka, si ay ugala hadlaan hordhaca dacwadda ay gudbisey Soomaaliya.

Qoraal kale oo ay 16 October 2014 faafisay Jariidadda kale ee reer Kenya ee Standard oo cinwaankiisu ahaa “in isku-day Goboleed loo baahan yahay si loo xalliyo muranka xuduudaha (Regional efforts needed to solve boundary disputes), ayaa waxaa qoraalkaas ka mid ahaa “Bariga Afrika waxaa maasheeyey muran xuduudeed. Marka laga soo tago muran badeedka Kenya iyo Soomaaliya, waxaa kale oo jira muran kala dhex taagan Uganda oo la xiriira Jasiiradda Migingo. (Akhri Uganda waxay Kenya ka difaacanaysaa 240 mitir oo Jasiirad ah, halka DFKMG ay Kenya ka ogolaatay in muran la geliyo dhul-badeed Soomaaliyeed..)

Waxa kale oo jariidaddu xustay muran xuduud dhuleed u dhaxeeya Ethiopia-Soomaaliya, Ethiopia-Eritrea, Jabuuti-Eritrea. Laakiin ma xusin xuduud dhuleedka Soomaaliya-Kenya (ama NFD). Sidoo kale ma xusin Xornima Doonka Gobolka Xeebta Mombasa Republican Council oo u halgamaya in ay xeebta Mombasa ka xoroobaan Kenya marka uu dhammaado heshiis 1895 dhexmaray Boqortooyadii Ingriiska iyo Boqorkii Zanzibar.

Waxaana aad u cajaa’ib badan in markii ay Jariidadda Standard ka hadlaysay muranka xuduud-dhuleedka ka jira Bariga Afrika ay tiri sidan: (Waxaa arrintaasi maskaxda kusoo dedejinaysaa xaqiiqada ah in xuduudaha hadda cabiran ay gumaystayaashii ka tageen ayagoo aan xeerinayn xuduudahii dhaqan iyo beeleed) – “This brings to mind the fact that the current demarcations were done by colonialists without regard to ethnic or cultural boundaries.” Arrintaasi miyeysan markhaanti u ahayn Soomaalida NFD ee gumaystayaashii hoos geeyeen Kenya.

Malaha guul ay Soomaaliya ka gaadho dacwadeeda Kenya waxay ka dhawdahay in dacwadda ay Soomaaliya ku darto “Kenya iskuma haysan jirin bad ee waxaa nagaga maqan dhulka NFD.”

Marka la dhuuxo qoraalada Jariidadaha Kenya ay maalmahan ka qoraan badda Soomaaliya waxaa cad in ay wadaan hawl gelin shacabkooda oo ka dhan ah badda Soomaaliya, iyagoo hadallo xeeladaysan ka soo xiganaya madaxdooda Kenya.

Dhanka kale waxaa cad in dacwaddaas aysan wax dan ah haba yaraatee ugu jirin shacabka Soomaaliyeed, laguna degdegey ayadoo aan laga fiirsan, ay Dawladda Federaalka Soomaaliya muran gelisey badeeda, iyo in qaar kamid ah madaxda sare ee Soomaaliya ay dadaal ugu jiraan suulinta xeerkii badda Soomaaliya ee Law no. 37, ayadoo aan la ogeyn go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ka qaadan doono arrintan.

icjdacwad1Isha: http://www.icj-cij.org/docket/files/161/18380.pdf

Faafin: Somalitalk.com