Ganacsatada ISLII oo DHACDO xun ay qabsatay (Dahab & boqolaal kun $ oo..

By Asad Cabdullahi Mataan

Nairobi (Caasimada Online) – Ganacsatada Somaliyeed ee Suuqa Islii, ayaa waxay saqdii dhexe ee xalay dhac kala kulmeen kooxo burcad ah, oo sida la sheegay u dhashay dalka Kenya, kuwaa oo jabsaday goobo ganacsi oo ku dhex yaala daarta weyn ee Shariifka.

Dhismaha Shariifka, ayaa waxaa gudaha u galay kooxo burcad ah, iyagoona jabsaday dukaamada ku dhex yaala dhismahaasi, waxayna ka qaateen lacago iyo dahab, iyadoo lacagaha ay qaateen cadadkoodu lagu sheegay shan boqol oo kun oo dollarka Mareykanka ah ($500,000 US). Laakiin lama garanayo qiimaha uu ku fadhiyo dahabkii la qaatay.

Ganacsatada Somaliyedd ee daarta Shariifka ka hawlgasha, ayaa dhacdadaan ku wargelisay Xoogaga Booliska ee Magaalada Nairobi, wuxuuna Boolisku u sheegay inay bilaabayaan baaritaano amuurtaasi la xiriirta.

Ganacsatada, ayaan maanta furin goobahooda ganacsi, ka dib dhacdadii xalay, waxaana maanta lagu arkaayay iyagoo dhooban afaafka hore ee dhismahaasi Shariifka.

Tani waxay walaac ku keentay ganacsatada Somaliyeed ee hantidoodu taalo Suuqa Islii, waxayna ka walwal qabaan inay dhacaan burcada ka qowleysata Degmada Kamukunji, oo Islii ay ka tirsan tahay.

Suxufi ku sugan Magaalada Nairobi, ayaa soo sheegaaya inaysan jirin wax tallaabo ah oo ay xilligaan qaadeen Booliska Magaalada Nairobi, aan ka ahayn bal inay marka hore dersayaan sida ay wax u dhaceen.

Guddiga Ganacsatada Suuqa Islii, ayaan iyagu Saxaafada kaga warbixin dhaca loo geystay dhismaha Shariifka.

Isha: Dhacdo