Shariif Xasan oo weerar lagu qaaday

Beydhabo (Caasimada Online) – Sida uu goordhow soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Beydhabo, waxaa magaaladaas ka taagan xiisad kaddib markii gacan ka hadal uu dhex maray ciidamo kala taageersanaa Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madoobe Nuunow Maxamed.

Arrintan ayaa timid markii maanta duhurkii uu gaaray Beydhabo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdiga Shariif Xasan inta aaney soo galin magaalada waxaa waddooyinka magaalada ka dhacay bannaan-bax looga soo horjeedo imaashiyahooda.

Dadka dibad baxayay oo taageersanaa maamulka 6-da gobal ayaa waddooyinka magaalada ku gubau shaagag iyo sawirka Shariif Xasan.

Intaas kaddib markii wafdiga garoonka soo dagay, waxaa uga hor tagay siyaasiyiin iyo ciidamada taabacsan iyo ciidamada Ethiopia, waxaana loo soo ka xeeyay gudaha magaalada.

Waxaa dhacay in ciidamo taageersanaa Madoobe Nuunow in ay xabadeeyeen ciidamo galbinayay Shariif Xasan Sheekh, waxaana halkaas ka dhacay tacshiirad balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Xaalada Magaalada ayaa kacsan waxaana xiran dhammaan goobaha ganacisga iyo waxbarashada ee magaalada, waxaa kaloo waddooyinka buux dhaafiyay ciidamo kala taabacsan labada maamul.

Shariif Xasan ayaa hadda kulamo la leh ciidamada AMISOM iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan Baydhabo isagoona wax ka weydiinaya xiisada ka taagan Beydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com