Galmudug oo go’aan ku dhowaaqday

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa maanta sheegay in uu xiriirka u jaray wasaarada caafimaadka xukuumada Soomaaliya.

Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Galmudug Cumar Cabdi  Maxaxamed, oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu xiriirka u gooyay wasaarada caafimaadka Soomaaliya, kaddib markii uu ku eedeeyay in aaney wax wadashaqeen ah iyo kaalmo ka helin , isagoona yiri maamulada kale ee dalka ka dhisan waxa ay siiyaan gargaar caafimaad iyo dhaqaale.

Wuxuu sheegay in marar badan ay ka codsadeen saamiga Galmudug loogu talagalay deeqaha la bixiyo ee dhinaca caafimaadka la siiyo balse waxbo ilaa hadda nagama soo garin ayuu yiri.

“Muddo badan ayaa codsiyo u dirnay wasaarada caafimaadka dowladda fedaraalka Soomaaliya, balse in ay na caawiyaan iska daa xittaa wax jawaab ah kama helin” ayuu yiri agaasime Cumar.

Mar la weydiiyay in Galmudug ay xiriirka u jartay hey’addaha kale ee dowladda wuxuu caddeeyay in aaney jirin hey’ad kale oo xiriirka ay ka goosteen balse wasaarada caafimaadka aaney wax xiriir ah ka dhaxeynin maanta wixii ka dambeeya ilaa inta wax ka badaleyso sidda ay ula dhaqanto wasaarada caafimaadka Galmudug.

Wuxuu yiri dowladda Soomaaliya kaalmo ayey siisaa maamulada ka dhisan haddii ay ahaan lahayd dawo iyo qalab kale balse tan iyo siddii loo dhisay hal mar xittaa wax na siisay ama ay nala soo xiriirtay ma jirto” ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com