Sharif Xasan oo ka hadlay wixii maanta ku qabsaday magaalada Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta gaaray Baydhabo ayaa ka hadlay ujeedada socdaalkiisa, iyadoo markii uu gaaray magaalada ka dhashay banaan bax looga soo horjeeday imaatinkiisa iyo iska hor imaad.

Shariif Xasan ayaa war qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo uu maalmahan ku qorayay fariimahiisa gaarka ah waxaa uu ugu horeyn u mahad celiyay dadkii ku soo dhoweeyay Baydhabo.

“Marka hore waxaan rabaa in aan u mahad naqo dadkii i soo dhaweeyey maanta oo aan soo gaarey Baydhabo, sidii aan shaley idin sheegeyna waxaa uu safarkeyga ku salaysan yahay sidii aan u bed baadin laheyn dadka deeganadan oo saaxiib u noqdey colaad, abaar iyo daryeel xumo si aan taas u bed baadinana waxaan go’aansaney in aan ka mira dhalino dedaalkeena”ayuu yiri Shariif Xasan qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay daqiiqado ka hor.

Shariif Xasan ayaa sheegay in aad loo buun buuniyay dad la soo abaabulay oo bulshada qal qal ku abuuray, balse aanay jirin sida wax loo sheegay, isagoo cadeeyay in mowqifkooda aan waxba iska bedelin.

“Waxaa kaloo wax lala yaabo ah dadka buun buuniyey 50 qof oo la soo abaabuley in ay maanta bulshada qal qal ku abuureen laakinse ayna jirin sida dadka loo sheegey mowqifkeena na waxba iskama bedelin”ayuu qoraalkiisa u dhigay Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale waxaa uu qoraalkiisa ku yiri sidan “Magaalada xaalkeeda waa degan yahay wax dhib ah oo ka jiro haba yaraatee ma jiraan, kuwa dadka beenta u sheegaayo oo leh 6 gobol ayaan idin heynaana waxaan leeyahay naftiina runta u sheega dadkuna ha luminina”

Dadweyne careysan ayaa taayaro ku gubay bartamaha magaalada Baydhabo, iyagoo diidanaa in Shariif Xasan soo galo magaalada waxaana la arkayay boqolaal dadweyne oo wadooyinka hareeraheeda taagnaa oo erayo ka dhan ah Shariif Xasan ku qeylinayay.

Magaalada Baydhabo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka jiray shirar iska soo horjeeday oo maamul goboleed lix gobol iyo saddex gobol lagu dhisayo, iyadoo todobaadyo ka hor la doortay Madaxweynaha Maamul goboleedka lixda gobol, halka midka saddex gobol dhowaan la filayo in la doorto.

Isha: Jowhar.com