Madaafiic lagu garaacay MUQIDSHO

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho caawa laga maqlayo madaafiic culus oo ku soo dhaceysa.

Xilligu hadda ay madaafiicda dhaceyso waa 12:kii habeenimo, waxaan hugunka madaafiicda laga maqayaa qaybo kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Ma cadda ilaa hadda khasaarasha ka dhashay, waayo xilliga waa habeen, dadkuna badnaa waa ay jiifaan sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho aanu la xiriirnay.

Waa habeenkii labad oo isku xigga oo magaalada laga maqlay madaafiic, xaley fiidkii horre ayaa qaybo ka mid ah magaalada ay ku soo dhaceen madaafiic hoobiyaal ah, balse wasiirka amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta la weydiiyay wuxuuu yiri “Waxa ay ahaayeeen kuwa macmal ah”

Faahfaahinta wararkeena dambe kala soco in shaa allah