Maxaa ka cusub xaaladda Baydhaba?

Beydhabo (Caasimada Online) – Xaalada magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa saakay oo Isniin ah deggan, kaddib markii shaley halkaas uu ka dhacay iska hor imaad u dhexeeya ciidamo kala taabacsan yahay maamul ka kooban lix gobal iyo ku kale oo isna ka kooban seddax gobal.

Ciidamada Ethiopia ee qaybta ah kuwa AMISOM ayaa lakala dhex dhigay ciidamada ku dagaallamay Beydhabo, waxaana la adkeeyay ammaanka xarunta Baay.

Iska hor imaadka ayaa ka dhashay markii magaalada Beydhabo uu soo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh, kaasoo u ololeenaya maamul ka kooban seddax gobal.

Isku socodka dadka iyo gaadidka ayaa caaddi ku soo noqday, waxaana magaalada saakay la sheegayaa in dib loo furay goobaha ganacsiga oo tan iyo shaley markii ay dhaceen gacan ka hadalka xirnaa.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan rabshadaha ka dhacay Beydhabo.

Magaalada Beydhabo waxaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ka socday shirar iska soo horjeedo oo lagu dhisaayo maamulo ka kooban lix gobal iyo seddax gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com