Turkey-ga oo beeniyay inuu ku lug lee yahay arrrin laga dhibsaday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa iska fogeysay eedeen loo soo jeediyay oo ah in ay dalka keentay Jaayga dhismaha ee waddooyinka ama guryaha lagu dhiso taasoo curyaamisay dadkii kudowladda Turkiga oo mashaariic ballaaran ka wada magaalada Muqdisho.

Ku-xigeenka safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ismaacil Ceyduruus ayaa ugu horreyn ka warbixiyay howlaha dib u dhiska waddooyinka Muqdisho ay ka wadaan.

Isagoona sheegay in markii horre qorsha ay ahayd in la dhiso 13km waddooyin ah, kuwaasoo ah kugu muhiimsan magaalada Muqdisho balse xukuumada Istanbul ay go’aansatay in ay ku darto ilaa 7km uu waddo ah.

Turkiga oo laami saaraya waddooyinka Muqdisho
Turkiga oo laami saaraya waddooyinka Muqdisho

Safiirka ayaa caddeeyay in howlaha dib u dhiska waddooyinka Muqdisho iyo in la saaro laami cusub la soo gabagabeen doono bisha August ee soo socota sidda uu yiri.

Wuxuu ku celceliyay in dhaqaalaha Turkiga uga baxay dib udhiska waddooyinka Muqdisho ay yihiin kuwa aad u badan balse ay ka go’an tahay in ay sii wado mashruucyada dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, ku-xigeenka safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho, waxaa uu beeniyay in dowladda Turkiga ay ka ganacsato jaayga dhismaha ee guryaha iyo waddooyink lagu dhiso, isagoona caddeeyay in sababta ay jay ula soo dageen ay tahay, arrimo ammaan, maadama aaney jaayo iyo dhagxaan ka soo saari Karin waddanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Turkiga aaney suurtagal u ahayn in Jaayo iyo dhagxaan ay ka hesho dalka,maadama dhinaca ammaanka aan la isku haleen Karin.

Ugu dambeyn waxaa uu xusay in Turkiga uu sii wadi doono howlaha dib-u-dhiska Soomaaliya.

Hadalka ku-xigeenka safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa ku soo aaday iyadoo dhawaan bannaanbax ay dhigeen muruqmaalka kaawooyinka nagxaanta laga soo saaro,kuwaasoo ka cabanaya in Turkiga uu suuq’laaan ku riday maadama uu dekedda Muqdisho kala soo degay jaayga dhismaha guryaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimad@live.com