XOG: 5 Mooshin oo ka dhan ah Xamar, Hawiye, DF iyo Jawaari oo la diyaariyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Kalfadhiga Baarlamaanka ee shalay, furmay ayaa la sheegayaa in la keeni doono mooshino badan oo lagu qal qal galinayo habsami u socodka hawlaha Dawlada Soomaaliya.

Mooshinadaan oo qaarkood xasaasi ah, ayaa waxaa si gaar ah loogu bartilmaameedsanayaan deegaano iyo beelo gaar ah, gaar ahaan Muqdisho iyo beelaha Hawiye.

Mooshinada ayaa waxa ay kala yihiin

1- Mooshin laga keenayo maqaamka Muqdisho. Mooshinkaan oo ay dabada ka riixayaan xildhibaano kasoo jeeda Puntland iyo Maamulka KMG ah ee Juba.

Waxa ay xildhibaanadani doonayaan in Muqdisho masuuliyiinteeda, ilaheeda dhaqaalaha ay dhamaan Soomaalidu shirko ku noqoto, halka Xildhibaanadaani aysan ogoleyn in dadka kasoo jeeda Gobolada kale ee Dalka, ama kuwa kunool Labadaan Maamul goboleed balse ka baxsan Beesha Kablalax inay xukunka iyo dhaqaalaha xaq ku yeeshaan.

Mooshinkan waxaa loo maleynayaa inuu noqon doono mid guuleysta, sababta oo ah dadka kasoo jeeda Muqdisho iyo beelaha Hawiye, kuma baraarugsana shirqoolka ceynkan ah, mana dareensana meesha fog ee laga cayaarayo, haddii ay darreemaanna ma ahan kuwa u carbisan ama u firfircoon inay u dhaqaan ka hortagga arrintan.

2- Mooshin si hoose u socda oo la doonayo in laga keeno Madaxweynaha Soomaaliya oo ay si hoose ugu lug leeyihiin xildhibaanada sheegta inay matalaan Puntland iyo Maamulka KMG ah ee Juba. Mooshinkan uma eka mid guuleysan doona, waayo xildhibaanadan waxa ay wada doonayaan lacag, mana jirto cid hadda ka jeeb weyn madaxweynaha.

3- Mooshin la rumeysan yahay inuu ka danbeeyo Shariif Xssan oo la doonayo in laga keeno Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari. Shariif Xasan waxaa ka go’an inuu kusoo laabto booskii uu macaankiisa bartay, hase yeeshee waxaa sugaya dagaal adag, waayo Jawaari in safar lagu gaado ma ahinee, si kale kuma mari doono mooshinkaas.

4- Mooshin la doonayo in Dawladaha Federaalka ka mid noqonaya lagu xakameey, iyadoo mooshinkaan lagu diidayo dawlada Koofur Galbeed oo ka kooban 6-da gobol, maadaama ay liddi ku tahay maamulka Axmed Madoobe. Sidoo kala lagu diidayo Dawladda Shabelle State oo ka kooban labada Gobol.

5- Kalfadhigaan waxaa Xukuumadda la keeni doonaa sharciga Canshuuraha beriga, sharcigaan oo uun saameyn doona Magaalada Muqdisho ganacsatadeeda, Dekedda iyo garoonkeeda , maadaama dawladu aysan maamulin Magaalooyinka kale ee dalka Maamulada halkaa ka jirana maamushaan ilaha dhaqaalaha iyo canshuurahaba.

Maxaa keenaya in dhaqaalaha dekedda Muqdisho ay dowladda federaalka maamusho, oo dadka reer Muqdisho un la canshuuro, lacagtoodana lagu quudiyo xildhibaanno ka yimid gobollo kale, oo dowladdana ku haya fowdo.

Mooshinka waxaa la filayaa inuu guuleysto, sababta oo ah beelaha Hawiye oo aan ku baraarugsaneyn, ama aan diyaar u ahayn in dadkooda iyo deegaankooda u dagaalamaan.

Federaalkii Soomaaliya ee lagu soo qoray dastuurka ee aan la qeexin sida uu noqonayo iyo awoodaha Dawladda Federaalka iyo Maamulada hoos imaanaya kala yeelanayaan, ayaa uun noqday mid Muqdisho Dekedeeda iyo Garoonkeeda ka dhiga shirko, Halka Dekedaha Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo ay maamushaan maamulada Deegaanadaas.

Federaalkii oo noqday in Xildhibaanada ka soo Jeeda Boosaaso, Berbera, Garoowe, Kismaayo in Mushaar ka qaataan Dekeda Muqdisho, halka Ilaha dhaqaalaha goboladaas aan loo ogoleyn in dawladda Federaalka Soomaaliya Maamusho.

Dadka Muqdisho iyo Gobolada ku xeeran ayaa is weydiinaya dalka Soomaaliya in Federaal ka jiro iyo in Gobolo qaar ah uun federaal lagu yahay!

Baarlamaanka ka kooban 275-ta xildhibaan ma Muqdisho iyo Gobol gaar ah ayay metelaan, maxaa diiday in sharciyada ay sameeyaan ay Dalka dhan wada gaaraan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Muungaab, ayaa looga fadhiyaaa inuu kaashado beelaha  Hawiye, una istaago sidii uu uga hortagi lahaa shirqoolka deegaameysan ee lagu hayo dadkiisa.

Haddii waxaaga aan la wadaageyn, maxaa keyga kaligiis loo wadaagayaa?

Qeybta daba-galka ee Caasimada Online
Caasimada@live.com