Xog: Madaxweyne Xasan & Somalia oo shirqool loo diyaariyey (Qorshe halisa)

Nairobi (Caasimada Online) – Beesha caalamka iyo dalalka deriska la ah, ayaa billaabay qorshaha Somalia ee 2016-ka, oo ujeedkiisa ugu weyn uu yahay in madaxweyne Xasan Sheekh, aanu hoggaanka dalka dib ugu soo laaban, Somalia-na aysan marnaba helin dowlad dhexe oo awood badan, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Ilo-wareedyo aad iyo aad loogu kalsoon yahay, ayaa Caasimada Onlineu xaqiijiyey in Madaxweynaha, ayaaa ayaa lagu qasbay in uu aqoonsado dawlado lagu sheegay inay federaalka Soomaaliya ka mid noqonayaan, oo ay hogaaminayaan shaqsiyaad muuqaalka Soomaali ka ah, balse maskaxdooda laga maamulo wadamo shisheeye.

Shaqsiyaadkaas, ayaa ah kuwo caqabad ku ah in la helo dawladnimo shaqeysa oo dalka Soomaaliya yeesho, maadaama maamul goboleedyada la xoojinayo.

Dawladahaan oo hadda qaar dhisan yihiin, qaarna la doonayo in la dhiso, ayaa looga gol lee yahay inay lagu soo kordhiyo kala qeybsanaanta dalka iyo in meesha laga rabitaanka shacabka.

Dhammaan maamulladan, ayaan loo mareyn sharciga dalka udhisan, waxaana maamul goboleedyada lagu qasbay madaxweynaha inuu aqoonsado ama uu aqoonsan doono ay kala yihiin.

1- Dawladda Somaliland oo Madaxweyne ka yahay Siilaanyo.
2- Dawladda Puntland oo uu Madaxweyne ka yahay Cabdi Weli Gaas
3- Dawladda KMG Juba oo Madaxweyne ka yahay Ahmad Madoobe
4- Dawladda Koofur Galbeed oo la doonayo in Shariif Xassan Madaxweyne looga dhigo.
5- Dawladda Hiiraan iyo Shabelle oo la doonayo in la hirgeliyo
6- Dawladda Galmudug oo la doonayo in shir loo qabto Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo ASWJ loona dhiso dawlad cusub.

Lixdaan Dawladood, ayaa inta dhisan haatan ay madaxweynayaal ka yihiin dad diidan dawladda Xasan Sheikh, inta lasoo wadana madax looga dhigi doono dad diidan dawladda Xasan.

Dawladahaani qaabka ay u dhisan yihiin waxaa ay la mid tahay sida DKMG ah u dhisan tahay, Ma jiro wax sharci ah oo jira oo ay dawlada federaalka kula shaqeynayaan.

Dawladahaan oo la sheegayo inay kamid yihiin Federaalka Soomaaliya, ayaa haatan Caalamku ula macaamilaa si la siman Dawladda Federaalka Soomaaliya, shirarka hay’adaha iyo safaaradaha Maamula Dhaqaalaha Soomaaliya sida UN-ka, EU-da u qabtaan Soomaaliya. ayaa waxaa si siman loogu casuumaa Dawlada Federaalka iyo Maamulada Kale.

Shanta Dawladood oo laga doonayo Koofurta oo qaarna dhisan yihiin qaarna si qasab ah la doonayo in loo dhiso, ayaa la sheegayaa inay soo xuli doonaan Baarlamanka Cusub oo bedeli doona baarlamaanka haatan jira maadaama aysan suuragal ahayn in doorasho xor ah laga qabto dalka Soomaaliya sanadka 2016-da.

Sida xogta Caasimada Online ay heshay ay ku warrameyso, Madaxda 5-taan dawladood iyo Dawladda Federaalka oo uu meteli doono Madaxweynaha ama Ra’iisul wasaaraha ayaa noqon doona saxiixayaasha cusub oo dhisi doona dawladda lagu bedeli doono tan hadda jirta.

Dowladda cusub ee iman doontana waxa ay ahaan doontaaa mid sidan oo kale ah, oo aan lahayn wax awood ah, ayna la siman yihiin maamul goboleedyada, waxaana meesha ka baxaya doorasho xor ah, ugu yaraan illaa 5 sano oo kale.

Waxaa qorshuhu yahay in dalka sidaa ahaado, ayada oo maamullada ay dowladda dhexe ay is garab socon doonaan, si aan marnaba loo helin dowlad dhexe oo awood leh, ugu yaraan waqtiga ay reer galbeedku ugu tala-galeen in dalka sidaan sii ahaado.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com