Ciidaamada Ethiopia oo Shariif Xasan xoog ku kaxeeyey kadib markii loo…

Caasimada Online (Caasimada Online) – Warar goordhow naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamo Ethiopian ah Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ay ka kaxeeyeen Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdigii uu hogaaminayay,kuwaasi oo dad careysan ay ku xanibeen gudaha Garoonka.

Ciidamada Ethiopianka ayaa Shariif Xasan iyo wafdigiisa waxay u gudbiyeen Hotelka Bakiin halkaasi uu ka socdo Shirka Seddexda gobol la doonayo in maamul loogu sameeyo,iyadoo dadkii banaabaxa dhigayay,islamarkaana ka soo horjeeday Shariif Xasan dibabd baxoodii iska wateen.

Waxa ay tani ka dambeysay, kadib markii Shariif Xasan uu muddo ku xanibnaa garroonka diyaaradaha Baydhaba oo loo diiday inuu gudaha u galo magaalada Baydhaba.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa doonaya inuu Madaxweyne ka noqdo Maamulka Saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya, waana qorshaha uu Baydhabo utagay.

Madoobe Nuunoon Maxamed ayaa lagu doortay Baydhabo, waxaana loo doortay Hogaanka Maamulka Lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay usheegtay inay aqoonsan tahay dhismaha maamulka saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com