Dhageyso: KISMAAYO oo arrimo yaab leh laga soo sheegay iyo DF SOMALIA oo loogu baaqay inay soo faro-geliso

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Maamulka KMG ee Jubba ee ku sugan Magaalada Kismaayo, ayaa lagu eedeeyay inay Magaaladaasi ka geysteen dilal qorsheysan, afduub iyo dhac ay ugeysteen dad ganacsato ah oo ku sugan Magaaladaasi.

Nabadoon Macalin Gaas oo kamid ah Odayaasha ku nool Magaalada Kismaayo, ayaa Wareysi uu siiyay Idaacada Risaala, wuxuu ku sheegay in falal tacadi ah ciidanka Axmed Madoobe ay ka geystaan Kismaayo, isaga oo shaaca ka qaaday dhibaatooyinka ciidanka uu ku eedeynayo ee ay geysteen.

Nabadoon Gaas ayaa tilmaamay in ciidamada Jubba ay dileen nin lagu magacaabo Maxamed Cabdi kariin Cusmaan oo kamid ahaa ganacsatada reer Kismaayo, ayna dileen lix nin oo hubaysan.

Wuxuu sheegay in laga qaatay Bakhaarkiisa lacag gaaraysa $18-kun oo doolarka Mareykanka, iyo sidoo kale lacag shilin Soomaali ah oo aad ubadan.

Nabadoon Gaas, ayaa sidoo kale sheegay in la afduubtay nin Sheekh ah oo curyaan ahaa laguna magacaabo C/laahi Yuusuf Axmed, waxaana laga afduubtay Gurigiisa oo rag hubaysan ay gaari ku wateen, iyadoo aan la ogeyn ilaa hada halka lala aaday.

Wuxuu kaloo sheegay raga dhaca iyo Afduubka loo geystay inay gaarayaan ilaa 7-ruux oo ganacsato iyo culimo, isugu jira oo ciidamada Maamulka Jubba ay falkaasi ku kaceen, sidoo kalena raga qaarkood ilaa hada la haysto oo laga doonayo lacag madaxfurasho ah.

Saraakiisha Maamulka Jubba weli kama aysan hadlin eedeyntaan loo jeediyay ee ku aadan in ciidankooda dilal iyo dhac ay ka geystaan Magaalada Kismaayo oo afduub shaqsiyaad gaar ah ay sii dheertahay.

Halkan ka dhageyso Nabaddoonka

kisa

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com