Ciidamo kasoo goostay Puntland oo ku biiray Gal-Mudug, xilli ay BEELO badan isaga baxayaan maamulkaas (Warbixin)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsanaa Maamulka Puntland oo soo goostay, ayaa  ku biiray Maamulka Galmudug, xilli ay beelo badan isaga baxayaan maamulkaas.

Ku dhawaad 80 Askari oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa Maanta sheegay in ay kasoo goosteen Maamulka Puntland, waxaana Koonfurta Magaalada Gaalkacyo kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug, ayaa sheegay in Ciidamadaan ay ka mid ahaayeen kuwa Puntland islamarkaana hada ay ku soo biireen Maamulka Galmudug, ayna soo dhoweynayaan.

Beesha Leelkase oo ka mid aheyd Beelaha Wax ka dhisay Puntland ayaa Maanta shaacisay in ay ka baxeen Maamulka Puntland, kuna biirayaan Maamulka loo dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Waxa ay beeshaas sheegtay in kaddib sanado caddaalad darro iyo sadbursi ahaa ay iminka quusatay, kana tashatay aayaheeda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Galmudug ku biiray Maanta ay yihiin Qaar kamid ah Ciidamadii Beeshaasi Shaacisay in ay Puntland ka baxeen.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

Caasimada@live.com