XOG: Ciidamo ka tirsan DF oo ku biiray dagaal ka socda gudaha dalka KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ilo-Xog-Ogaal ku sugan Gobolka Gedo, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia, ay ku biireen Dagaalka ka socda Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Laba gaari nooca loo yaqaan Cabdi-bilaha oo ay lee dahay DF ka dagaalamayaan Mandheera, waxaana la Tilmaamayaa inay garbinayaan mid kamid ah Beelaha Deegaankaasi ku dagaalamaya.

Aadan Axmed Xirsi oo ah Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka oo ku sugan Gobolka Gedo, ayaa Tilmaamay in wararka sheegaya in Ciidamada DF ay gaaren Mandheera been tahay, waxa uuna sheegay in Dagaalada ka socda Mandheera uusan aheyn mid khuseeya Dowlada Federaalka, balse uu yahay mid u dhexeeyo Beelo kasoo jeeda Kenya.

‘’Waxan beenineynaa in wararka sheegaya in Ciidamadeenu ku biireen Dagaalka ka socda Mandheera uu yahay been, waayo anaga lug kuma lihin Dagaalkaasi mana aha mid khuseeya Somalia’’ Sidaa waxaa yiri Aadan Axmed Xirsi

Dhanka kale, Ciidamada DF ee ku biiray  Dagaalkaasi ka socda Mandheera ayaa la sheegayaa inay badi kasoo Jeedan gobolka Waqooyi Bari Kenya balse ay kamid yihiin Ciidamada Dowlada ee Gobolka Gedo, mana jirto war kasoo baxay Dowladda oo ku aadan faragalinta Ciidamada ay ku hayaan Mandheera.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com