Cali Khaliif GALEYR oo ku dhawaaqday dagaal ka dhana maamulka Somaliland

Saaxdheer (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay dagaal ku dhexmaray deegaanka Saaxdheer ee gobalka Sool ciidamada maamulka Khaatumo iyo kuwa Somaliland.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidanka Somaliland ay qabsadeen deeganka Saaxdheer oo lagu waday in ay saakay ka dhacdo caleema saarka madaxweynanimadiisa.

Wuxuu sheegay oo kale in askari ka tirsan Somaliland in uusan ku sugneyn deeganka Saaxdheer oo isaga lagu doortay.

“Nooma dhawa hal askari iska daa ciidamo Saaxdheer joogee annaga ayaa joogna, niminkaas cadowga ah dhaqdhaqaaq ayey ka sameeyeen deeganka Kala beerka dagaal aanu rabin ayaa nalagu beerayaa, dagaalka wuxuu noqon doonaa mid sokeeye oo gaar meel kasta” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

Cali Khaliif Galeyr ayaa ku dhawaaqay dagaal ay lagalayaan maamulka Somaliland haddii aaney joojin duulaan gardarrada ay ku hayaan shacabka maamulka Khaatumo.

Wuxuu kaloo sheegay in dagaalka ay qaadi doonaan in uusan noqon doonin mid dhex mara labo ciidan ee uu noqon doono dagaal lagu hoobto oo ka dhex dilaaca dhammaan dadka deeggan magaalooyika ay ka arrimiyaan labada maamul.

Cali Khaliif Galeyr waxaa kaloo uu wacad ku maray in xafladda caleema saarkiisa in ay ka dhici doonto deeganka Saaxdheer oo dhowr km u jirta soohdinta Itoobiya.

Hadalka madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa ku soo aadaya iyadoo saraakiisha maamulka Somaliland ay lee yihiin waxaan carqaladeenay goob ay ka dhici lahayd caleema saarka Cali Khaliif Galey oo dhawaan ku guuleystay doorasho ka dhacday deeganka Saaxdheer isla markaana askar maxaabiis ah ay ka qabteyn dhinaca Khaatumo balse warkaas cid xaqiijin karta ma lahan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com