24.4 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

DF Somalia oo wafdi u dirtay caleema saarka Cali Khaliif Galeyr (Faah-faahin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Buuhoodle (Caasimada Online) – Magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer waxaa ka degay seddax diyaarad oo ay la socdeyn mas’uuliyiin ka tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo salaadiin kuwaasoo ka qeybgalaya caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State, Prof Cali Khaliif Galeyr.

Wafdiga Buuhoodle gaaray ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana markii ay tageyn magaaladaas si weyn ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-Sheel) iyo bulshadda ku dhaqan Buuhoodle.

Mudane Indho Sheel oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in wafdi ka socda dowladda iyo salaadiin ay yimaadaan Buuhoodle wuxuuna intaas ku daray in la isku dayay in la baajiyo wafdiga markii ciidanka Somaliland ay arbushaad ka sameeyeen deeganka Saaxdheer.

Wuxuu kaloo sheegay in immaantinka wafdiga Xamar ka yimid uu daliil cad u yahay in Khaatumo ay noqotay meel kulmisa Soomaaliweyn isla markaana xudun u noqoneysa midnimada Soomaaliya.

Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo hoggaaminaayay wafdiga ka yimid Muqdisho ayaa isna ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoole, wuxuuna sheegay in wafdigooda ay u yimaadeen siddii ay uga qeybgali lahaayeen caleema saarka madaxweynaha cusub ee Khaatumo State, Cali Khaliif Galeyr oo maanta oo Khamiis ah ka dhaceysa deeganka Saaxdheer oo soohdinta Itoobiya ku yaalla.

Si kastaba, wafdiga tagay Buuhoodle ayaa muujinaya in dowladda fedaraalka ay la dhacsan tahay doorashadda uu ku guuleystay ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Buuhoodle

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News