XOG: Maxaad kala soctaa afarta qodob ee HIIRAALE uu ka tirsanayo Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Sargaal ka qeybqaatay kullankii u dhexeeyay Wasiirada ka socday DF iyo Barre Hiiraale ee ka dhacay Duleedka Kismaayo ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in Col. Barre Hiiraale uu ka cabanaayo  Arrimo farabadan oo uu ku kacay Axmed Madoobe.

Sargaalka ayaa waxa uu sheegay in Col. Barre Hiiraale Wafdiga Wasiirada ka socday DF u sheegay qodobo dhowr ah oo ku qasbay inuu la dagaalamo Maamulka KMG Jubba.

Haddaba Qodobada uu ka cabanaayo Barre Hiiraale ayaa waxaa kamid ahaa:-

1-In Axmed Madoobe uu iska dhigay ruux Kismaayo ay u gaar tahay.

2-In Axmed Madoobe uu nolosha ku aasay Maleeshiyaad daacad u ahaa Barre.

3-In Axmed Madoobe uu Maleeshiyadiisa ku amray inay toogtaan Askari waliba oo taabacsan Barre Hiiraale.

4-In Axmed Badoobe uu isku dayay inuu dilo dhowr jeer.

Dhanka kale, Wasiirada ayaa waxa ay Col. Barre Hiiraale ku qanciyeen inuu kasoo tallaabo Khilaafyadii kala dhexeeyay Axmed Madoobe.

Wasiirada ayaa waxa ay Barre Hiiraale u ballan qaaden inay jawaab ka bixin doonaan Ficilada uu kula kacay Axmed Madoobe.

Waxaa lagu wadaa in Laba maalin gudahooda lagu kulansiiyo Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale, iyadoona ay Juhdiga ugu badan ku bixinayaan Wasiirada iyo Wafdi ka socda IGAD.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com