Daawo Beesha Sade: Ma aqbaleyno in nala siiyo 4 xubnood, HAWIYE-na 23 + Wada hadal baa lala billaabay Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo ay iskugu yimaadeen xildhibaanno kasoo jeeda beelaha Mareexaan (Sade), Ugaaska Beesha, Salaadiin ayay uga soo horjeesteen guddigii farsamada ee dowladda Soomaaliya u magacowday maamul u samaynta gobollada Mudug iyo Galgadud, waxayna ku tilmaamay mid kasoo horjeestay qawaaniinta dalka iyo awood qeybsiga beelaha dagan gobolka.

Xildhibaannada ay ka mid ahaayeen; Nuur Faarax Jaamac, Cabdullaahi Yuusuf Cali iyo Xildhibaan Shariif Cabdi , Ugaaska guud ee beesha Sade Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, Salaadiin iyo waxgarad kale a ayaa waxay soo saareen war saxaafadeed ka kooban lix qodob oo xasaasi ah.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan.

Baryahaan danbe waxaa magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ka socday dadaal ay dowladda Federaalka Soomaaliya maamul gobolleed ugu dhisayso gobolka Galgaduud iyo qeyb kamid ah gobolka Mudug. Hadaba beesha Mareexaan Sade oo kamid ah beelaha waaweyn ee dega deegaanadaas waxaa ay qoraalkan ku cadeynaysaa aragtida iyo mowqifka ay beeshu ka leedahay maamul u samaynta deegaanadaas. Beesha Mareexaan waxaa ay go’aansatay soona jeedinaysaa qodobadan soo socda.

1 – Beesha Mareexaan (Sade) waxaa ay cadaynaysaa in ay diidan tahay, qeybna ka ahayn maamul gobolleedka la damacsan yahay in laga sameeyo deegaanada Galgaduud iyo Mudug maxaa yeelay sharciga ma waafaqsana.

2 – Beeshu waxaa kale oo ay cadaynaysaa in aan laga talo gelin arrintan, aysana jirin cid u matasha ka qeybgalka shirarka iyo kulamada looga wada hadlayo arrintaas.

3 – Beeshu waxay cadaynaysaa in uusan matalin ururka Ahlusunna wal-jamaaca, kuna hadli karin aragtideeda iyo mowqifkeeda midna.

4 – Beeshu waxay soo jeedinaysaa in aan laga dhex abuurin bulshada walaalaha ah ee deegaannadaas colaado iyo dhibaatooyin hor leh.

5 – Beeshu waxay soo dhaweynaysaa maamul kasta oo cadaalad ah oo ay samaysato bulshada Soomaaliyeed waafaqsana shuruucda iyo qaanuunka dalka.

6 – Beeshu waxaa ay soo jeedinaysaa in maamul u sameynta gobollada dalka looga danbeeyo dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, cullimada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada degta gobolladaas.

7 – Beesha Marreexaan ” SADE” ma aqbali doonan in 27 xubnood 4 xubnood Sade la siiyo halka 23 kale ay ka qaadanayaan HAWIYE, taasi oo u muuqata mid cadaalada ka fog, marka tiradaasi la qeybinaya waxaa imaaneysa in jufo hal magaalo deggan ay ka xubno badaneyso xitaa Marreexaan oo dhan. Waana sheeko aan la aqbali karin.

8 – Ugu danbeyntii Beesha SADE waxay u aragtaa waxa socda in aan maamul laga rabin balse isku dir iyo dagaal sokeeye dowlada ka dhalin rabto deegaanadaasi, waana ka digeysaa beesha arrintaasi.

Bayaanka ayaa waxaa si wada-jir usoo saaray Ugaaska Beesha Sade iyo xildhibaanada Sade ee kasoo jeeda deegaanada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka loo dhisayo. Waxaana si rasmi ah ug ucadeeyeen inuusan quseyn doonin wixii maamul ah ee goboladaasi loo dhiso oo aysan qeyb ka heyn.

Muranka arrintaasi ka dhashay ayaa keenay in qaar ka mid ah beelaha Sadde bilaabaan inay wadahadal la galaan maamulka Puntland, iyaddoona haddii aan wax laga baddelin qeybiskii guddiga maamul u sameynta gobollada dhexe ay keeni karto inuu gebi ahaanba fashil ku danbeeyo isku daygaasi,maxaa yeelay awal oo ay mudug wax ka maqnaayeen ayaa haddana Galgaduud qeyb kale oo ballaaran kasii baxeysaa.

Halkan ka daawo kullanka beesha Sade