Degmadii lagu caleemo saari lahaa Dr. Cali Khaliif oo dagaal lagula wareegay

Garoowe (Caasimada Online)-War goor dhow naga soo gaaray Gobolka Sool, ayaa sheegaya in gabi ahaan Deegaanka Saaxdheer ay goor dhow la wareegeen Ciidamo taabacsan Maamulka Somaliland.

Wararku waxa ay sheegayaan in Siyaasiyiin iyo waxgarad isku qabanqaabinaayay ka qeybgalka Munaasabada lagu caleemo saaray Saakay oo Khamiis ah Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr ay isaga baxeen Saaxdheer.

Sidoo kale, wararku waxa ay tibaaxayaan in halkaasi uu ka dhacay Dagaal qaatay ku dhawaad Hal saac iyo bar kaasi oo la sheegay inuu u dhexeeyay Ciidamadda Maamulka Khatumo iyo kuwa Somaliland oo weerarka soo qaaday waxa ayna taasi suuragalisay in Ciidamada Somaliland la wareegan gabi ahaan Deegaanka Saaxdheer.

Dhanka kale, Deegaanka Saaxdheer ayaa waxaa hadda gacanta ku haaya Ciidamada Maamulka Soomaaliland, waxaana la Tilmaamayaa in halkaasi uu ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Deegaanka Saaxdheer waxaa xiliga uu weerarka ka bilowday ka soctay Qaban-qaabada Caleema saarka Madaxweyne Cali Khaliif.

La soco wararkeena dambe wixii Faah-faahin ah.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

caasimada@live.com