Prof. Galayr oo orod ku galay Ethiopia

Saaxdheer (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal culus uu imminka ka socdo deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool, halkaasoo maanta oo Khamiis ah lagu waday in ay ka dhacdo xaflad lagu caleema saarayo madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State, Prof Cali Khaliif Galeyr.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay soo qaadeyn ciidamada maamulka Somaliland, waxaana la maqlaya daryanka hub culus oo ka dhacaya magaalada gudaheeda.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in ay jiraan baabuur dagaal oo lagubay iyo ciidan ku dhintay dagaalka saakay waaberigii ka billowday deeganka Saaxdheer.

Waxaa kaloo wararka ay sheegayaan inta badan in magaalada ay gacanta ku dhigeyn ciidanka soo weerarray siddaas waxaa ku soo warramay wariye Caasimada Online ka tirsan oo ku sugan Saaxdheer.

Magaalada waxaa tan iyo shaley ku soo qulqulayay wafuud caalami ah oo dooneysa in ay ka qeybgalaan caleema saarka Cali Khaliif Galeyr.

Cali Khaliif halkee ayuu qabtay?

Warar la isku haleen karo ayaa sheegaya in uu Cali Khaliif Galeyr iyo gaadiid u la socdo ay gudaha u galeyn dhulka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, ayna ku sugan yihiin meel xadka labada waddan dhinaca Ethiopia ku taal. Waxay kale oo wararku sheegayaan in Galeyr uu doonayo inuu dib ugu soo laabto gobolka Sool, inkasta oo Saaxdheer uusan tagi karin oo Somaliland ay haysato.

Waxaa kaloo la sheegayaa in ay la socdaan ergooyin aad u fara badan kuwaasoo lagu waday in ay ka qeybgalaan caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo.

Waxaa aad u yer in la helo xog intaas ka badan maadama isgaarsiinta deeganka Saaxdheer ay go’antahay.

Faah-faahin kala socota boggeena Caasimada Online