28.2 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Ciidamo u abaabulan hab beeleed oo ciidamada DF kala wareegay HOBYO

Bookmark
Bookmarked

Share

Hobyo (Caasimadda Online) – Qaar ka tirsan Ciidamada 21-aad ee xoogga dalka ayaa isaga baxay Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug oo uu ka socdo Shirka Beelaha Habargidir.

Ciidamada 21-aad oo markii hore sugayey Ammaanka Magaalada ayaa isaga baxay kadib markii la sheegay inuu amar kaga yimid Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ciidamada isaga baxay Magaalada Hobyo ayaa la sheegay inay wateen illaa 3 gaari oo kuwa dagaalka ah waxayna maalmihii dambe sugayeen Amniga Magaalada oo ay ku sugan yihiin ergooyin ka kala socdo Beelaha Habargidir iyo Xildhibaano labada aqal ah.

Markii ay Ciidamadaas ka baxeen Magaalada Hobyo ayaa waxaa durba la wareegay ciidamo u abaabulan hab Beeleed.

Ciidamada la wareegay Amniga ayaa la sheegay inay kasoo jeedaan Beelaha Sacad iyo Saleebaan, waxaana Magaalada soo gashay illaa 13 gaari oo kuwa dagaalka ah iyo ciidamo aad u hubeysan.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirka Hobyo u aragto inuu yahay mid cabaqad ku ah danaha ay ka leedahay maamulkaas, waxaana ciidamada 2-aad cadaadis lagu saaray inay isaga baxaan Magaalada.

Shirka Beelaha Habargidir uga socdo Magaalada Hobyo ayaa shalay galay wajigiisa labaad, waxaana shirka ku biiray Xildhibaano ka tirsan labada aqal.

Qaar ka tirsan  xildhibaanada shirkaas ka qeybgalayo ayaa horey u sheegay inuusan shirka diidadeen midka Dhuusamareeb ka dhici doono balse ay sii diyaarsanayaan qodobadii ay shirkaas la tagi lahaayeen.

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa muddo 45 ah ku bixiyey deegaanada Maamulka Galmudug, wuxuuna sheegay inay dowladda ka go’an tahay sidii ay u dhisi laheyd Galmudug lagu mideysan yahay inkastoo beelaha qaar ee halkaas dago ay diidan yihiin kuna eedeeyeen dowladda inay faragelin qaawan ku heyso maamulkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Hobyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News