Ciidan laga keenay Balli doogle oo lagu wareejiyay Xeradii ay ka guureen Imaaraadka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Afaafka hore iyo dhamaan agagaarka Xerada General Gordan ee shalay ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya ay ku dagaalameen ayaa maanta lagu arkayay ciidamo milatari aad u tababaran oo wato gaadiidka Gaashaaman.

Mar aan saakay soo hormaray halkaasi ayaa indhaheygu qabanayeen tiro ciidan ah oo halkaasi amniga sugayo islamarkaana diidayay xitaa in ay gaagiidka dadweynaha halkaasi istaagaan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada Milatariga ee sida gaarka ah u tababaran lagu wareejiyay Xerada Ciidanka Jeneral Gordan ee Imaaraadka ay ku tababari jireen ciidamada Soomaalida.

Xerada Ciidanka Jeneral Gordan ee Imaaraadka ay ku tababari jireen ciidamada Somalida, ayaa lagu wareejiyay ciidamada Danab oo laga keenay Gobolka Shabellaha hoose, gaar ahaan Garoonka Ballidoogle.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii shalay Iska hor imaad uu ka dhacay Xerada Ciidamada Imaaraadka, iyadoo taliska ciidanka Militariga Somaliya ay sheegeen in iska hor imaadkaasi ay ka dambeeyeen askar rabtay inay qaataan saanad Militari.

Xalay fiidkii ayaa lagu wareejiyay ciidamada Danab Xerada ciidanka Imaaraadka ee Degmada Hodan, waxaana halkaasi lagu arkaayay gaadiidka gaashaaman ee ciidankaan ay wataan.

Ciidamadii Imaaraadka ee xeradan ku sugnaa, ayaa noqday kuwa la xiray iyo kuwa kala cararay, kadib dagaalkii shalay ka dhacay Xeradaasi.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Cabdiwali Jaamac Gorod, ayaa sheegay in la soo xiray tiro askar ah oo isku dayday inay saanad Militari kala baxaan Xeradaasi.

Si kastooy ahaataba Madaxda ugu sareysa dalka ayaa si wayn uga carootay falkii shalay ka dhacay Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan oo maalmo ka hor Saraakiisha dowlada imaaraadka carabta ay ku wareejiyeen Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com