Ciidanka Abiy Ahmed oo ka baxay magaalooyin cusub kadib guul-darrooyin dagaal

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa qeybo kamid ah dalka Itoobiya dib uga bilowday dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Federaalka Itoobiya iyo ciidamada qowmiyadda Tigrayga.

Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa laga saaray dhowr magaalo oo ay qabsadeen toddobaadkii hore, kadib markii ay dagaal culus soo qaadeen kuwa TPLF. Afhayeenka maleeshiyada Tigrayga ayaa sheegay in ciidamadooda ay dib u qabsadeen magaalooyinka kala ah, Saakoota iyo Joona.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray inay maxaabiis ahaan u qabteen boqolaal askari oo u badan Amxaarada, inkastoo aysan weli sheegashadaan ka hadlin Dowladda Itoobiya.

Sarkaal u hadlay ismaamulka Gobolka Amxaarada ayaa Al-Jazeera u sheegay in ciidamada Federaalka ay dib uga gurteen dhowr magaalo oo ay todobaadyadii lasoo dhaafay qabsadeen, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin sababta keentay ka bixitaanka.

“Waa in aad isku dhiibtaan ciidamadeenna u dagaallamaya sidii nabad loo heli lahaa, xal kale idiinma furna,” ayuu yiri hoggaamiyaha TPLF.

Ciidamada TPLF ayaa lagu eedeeyey inay xasuuq iyo kufsi ka geysteen Gobolka Amxaarada, waxayna hadda xaaladda Itoobiya u muuqataa mid kasii dareysa, iyadoo TPLF ay ku hanjabtay inay tagi doonto Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.