Ciidanka Abiy oo qabsaday laba magaalo oo muhiim ah iyo wararkii ugu dambeeyey

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay inay laba magaalo oo muhiim ah ka qabsatay mucaaradka Tigray, xilli ay guulo lama filaan ah oo is-xigixiga ka sameyneyso dagaalka.

Warbaahinta dowladda ayaa Twitter ku sheegtay in magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha “ay xoreeyeen ciidamada amniga,” kuwaas oo sidoo kale qabsaday dhowr magaalo oo kale oo ku yaalla furinta bari ee dagaalka.

Labadan magaalo oo ka tirsan gobolka Amhara ayaa dhaca waddo muhiim ah oo 400 km u jirta caasimadda Addis Ababa, waxaana bishii October qabsaday kooxda TPLF.

Qabsashadooda ayaa huriyey cabsi ah in TPLF iyo kooxda ay xulufada yihiin ee OLA ay u ruqaansan doonaan caasimadda Addis Ababa, taasi oo keentay inay dowladaha caalamka ugu baaqaan muwaadiniintooda inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan dalka. 

Warbaahinta dowladda Ethiopia ee FANA ayaa kasoo xigatay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed isaga oo leh “mucaaradka waxaa asiibay khasaarooyin culus waxayna awoodi waayeen inay u adkeystaan weerarka ciidamada isbaheysiga.” 

“Cadowga waa la garaaci doonaa, guushuna way sii socon doontaa,” ayuu yiri. 

Abiy ayaa bishii tegtay ku dhowaaqay inuu hogaamin doono dagaalka kadib guulo dhowr ah oo ay sheegteen mucaaradka. 

Wixii ka dambeeyey, dowladda ayaa sheegtay guulo dhowr ah oo ay ka mid yihiin qabsashada magaalooyinka Lalibela iyo Shewa Robit oo 220 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Afhayeenka TPLF Getachew Red ayaa twitter ku sheegay Isniintii inay mucaaradka ka baxeen magaalooyin ay ka mid yihiin Kombolcha iyo Dessie, “taasi oo qeyb ka ah qorshaheena.” 

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa Axaddii beeniyey in dowladda ay gaareyso guulo dhowr ah, wuxuuna sheegay in mucaaradka ay sameynayaan xeelad dib u qaabeyn dhuleed ah. 

“Cadowga wuu xoogeysanayaa, sidaas darteeda anagana waa inaan xooganaanaa oo aan xoojinaa halgankeena,” ayuu yiri. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii