Meydka askari ka tirsanaa ciidanka DF oo lagu arkay xaafad ka tirsan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa meydka askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo saaka lagu arkay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir kaas oo la sheegay in jirkiisa ay ka muuqatay rasaas loo adeegsada dilkiisa.

Wararka ayaa sheegaya in meydka lasoo dhigay xaafadda Kurdamac ee degmada Dayniile, wuxuuna xirnaa nin la dilay dareeska ciidamada milatariga Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale isugu soo baxay goobta lasoo dhigay meydka, kuwaas oo aad uga argagaxay dhacdadaasi, waxayna kay wargeliyeen laamaha ammaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in askarigan la dilay xalay, isla-markaana kooxdii dishay ay horay uga sii qaateen qoraygii uu watay.

Sidoo kale waxaa goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo meydka kasoo qaaday halkaasi, waxaana socda baaritaano dheeri ah.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo uu maamulka degmada Dayniile iyo saraakiisha ammaanka Soomaaliya ay ka bixiyeen falkaasi aragagaxa leh.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho oo laga dareemayo xaalad doorasho & mashquul xoogan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii