War-saxaafadeedka Rooble ku fashilinayo dadaalka lagu badbaadinayo dowladnimada

Waxaa muhiim ah inaan mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeed ku kahdoomin, ku qaldamin, ku jaahwareerin warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska R/W Rooble kuna saabsan dib u soo nooleynta doorashada boobka ah ee la qaadacay, lana soo dhaafay ka qayb galkeeda dambe, ayadoo kuwii ka dambeeyay boobka, musuqmaasuqa doorashada ay awood buuxda haystaan, Qatar, Eritrea, iyo Ethiopia hiil iyo hoo la garab taagan yihiin, adeegsanayaan ciidammo malishiyaad ah iyo madaxweynayaal dowlad goboleedyo iyo guddiyo doorasho ay madaxdooda keensadeen, baraha bulshadana ka wadaan marin habaabin ah iyo aflagaado.

R/W Rooble wuxuu maalin cad ka tagay mas’uuliyaddii hoggaaminta doorashada loo xilsaaray iyo ka ilaalinta Farmaajo doorashada uu doonayo inuu boobo ama carqaladeeyo.

Nasiib darro, wuxuu doortay inuu la safto Farmaajo, Fahad, Qoorqoor iyo Laftagareen si loo boobo doorashada, wuxuuna karamaada iyo kalsoonida ka qaaday shacabkii iyo mucaaradkii aaminay.

Sida Rasulkeenna laga soo weriyay, qof muslim, mu’min ah labo goor god lagama wada qaniino, waana mas’uuliyad saaran qofka muslimka inuu ka feejignaanto, ka digtoonaado dhagarta kuwa khaa’imiinta ah.

Xadgudubyada iyo ballan ka baxyada R/W Rooble waa bateen. Yaan mar kale la siin ahmiyad warsaxaafadeedka marin habaabinta iyo waqti lumiska ah. Kuraasta golaha shacabka ee la boobay ama la baalmaray habraaca doorashada waa ka badan yihiin 20 kursi, haseyeeshe ma jiro Musharrax la boobay ama lagu xadgudbay oo doonaya inuu $ 3,000 kale ku karfano boobka loo geystay, lacagtaaso la siinayo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo diyaar u ah xalaaleynta 99.9 % kuraasta la boobay.

Midowga Badbaadada Qaranka Soomaaliya waxaa laga sugaya mowqif xilka looga qaadayo dowladda federaalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed isku dirtay, kala qaybisay, haddana ku wada waddada burburka iyo colaadda sokeeye.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.