Halkee ayey Soomaaliya ka gashay liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo kasoo baxday hay’adda Transparency International ayaa waxaa lagu sheegay in markale Soomaaliya ay kaalinta ugu hooseesa ka gashay wadamada ugu musuq-maasuqa badan, marka la eego caalamka oo dhan.

Hay’adda Transparency ayaa shaaca ka qaaday qiimeyn cusub oo ay sameysay, waxaana Soomaaliya ay gashay kaalinta koowaad ee dalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka.

Soomaaliya ayaa ka hoos martay qiimeyntii la sameeyey 2019-kii xilligaas oo ay ku jirtay  9-aad, hadase waxa ay noqotay kow, sida ay shaacisay Transparency International.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu shaaciyey wadamada kale ee galay safka hore liiska ugu hooseeya, waxaana ka mid ah South Sudan, Sudan, Equatorial Guinea & Guinea-Bissau.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujineysa in aysan wax horumar ah oo ballaaran ka sameynin la dagaalanka musuq-maasuqa inta badan 180-ka waddan ee la falanqeeyay.

Dhanka kale New Zealand ayaa noqotay wadanka ugu musuq-maasuqa yar adduunka, waxaana sidoo kale ku xiga Denmark iyo sidoo kale Finland.

Horay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa uga hortimid warbixinada hay’addan oo ay shaacisay in aan la isku halleyn karin warbixinadeedana, ayna yihiin kuwa been abuura.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira daruufo adag oo is-biirsaday, sida abaaro, fatahaado iyo xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii