Ciidanka ammaanka oo rag hubeysan ku qabtay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay degmada Waabari, kaas oo lagu soo qabtay rag hubeysan oo dhac ka geysanayay xaafado ka tirsan degmadaasi, sida uu shaaciyay taliska Booliska.

Howlgalkan oo dhacay fiidkii hore ee xalay ayaa waxaa lagu soo qabtay laba eedeysane oo ku sugnaa degmada Waabari, isla-markaana ku howlanahaa dhaca dadweynaha

“Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waabari ayaa gacanta ku soo dhigay labo eedaysane oo dhac ka gaysanayey degmada dhexdeeda 01-04-2023 abaaro 21:00pm” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mid kamid ah eedeysanayaasha uu ka tirsan ciidamada lagu so tababaray Eritrea, isla-markaana uu watay bistoolad, halka kan kalena uu ahaa darawal mooto Bajaaj ay ka socdeen alabada nin ee howlgalka lagu soo qabtay

“Eedaysanayaasha ayaa mid kamid ah wuxuu ku hubaysnaa bastoolad, wuxuuna sheegay inuu ka tirsanyahay ciidanka C.X.D ee lagu soo tababaray dalka Eretaria, halka kankalana uu wade ka ahaay mooto Bajaaj ay adeegsanayeen” ayaa markale lagu yiri warka Booliska.

Taliska ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ragga lasoo qabtay lagu xiray saldhigga Waabari, isla-markaana loo gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

Xaaladda ammaan ee Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay faraha kasii baxaysay, waxaana ka dhacayay falal ammaan dari oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac.

Sidoo kale waxaa sii dheer oo ay reer Muqdisho dhibaato weyn ay ku qabaan kooxo ciyaal-weero ah oo ka jira qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba, Booliska Soomaaliya ayaa haatan wada howlgallo culus oo lagu sugayo amniga, lagulana dagaalamayo burcadda hubeysan iyo kooxaha ciyaal-weerada.