Ciidanka DF oo lagu eedeyey inay dhac ka geysteen deegaan ay qabsadeen

Warciise (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta weeraray degaanka Warciise ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo horay ay ugu sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ciidanku ay bililiqo ka geysteen degaankaas.

Dadka degaanka Warciise oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isaga baxeen degaanka, markii ay ka war heleen in ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku soo wajahan yihiin.

Maxamed Axmed Xuseen oo ka mid ah dadka reer Warciise oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay maanta degaankaas ka geysteen dhac xoog leh, kadibna ay isaga soo baxeen.

Wuxuu sheegay in ciidamadu ay jabsadeen guryo iyo dukaamo ay dad shacab ah leeyihiin, isla markaana dadka la dhacay uu isagu ku jiro, iyadoo laga soo qaatay hub uu beeraha ku waardiyeysa jiray iyo mid uu qabaa’ilkiisu lahaa oo beertiisa yaallay.

Maxamed Axmed ayaa sheegay in lacag, hub iyo rasaas badan ay ciidamada dowladdu ka soo qaateen beertiisa oo ku taalla duleedka degaanka Warciise, sidoo kale wuxuu sheegay in taleefano, lacag, gaadiid iyo hub ay qabaa’ilka deegaanku lahaayeen ay ciidamadu soo furteen.

Gaadiidka laga soo qaatay dadka deegaanka ayuu Maxamed ku sheegay inay gaarayaan labo gaari oo kala ah Home iyo NOAH, waxaana degaanka soo baneeyey ciidamadii dowladda ee maanta qabsaday, kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab oo maamusha degaankaas.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya oo soo xiganeysa saraakiishii hoggaamineysay ciidankaas ayaa baahisay in ciidamadu ay kooxda Al-Shabaab hub iyo gaadiid uga furteen dagaal ay maanta kula galeen degaanka Warciiise.

Hoos ka dhageyso wareysiga Maxamed oo dadka deegaanka ka mid ah