Ciidanka dowladda Puntland oo la wareegay gacan ku haynta xarunta baarlamanka

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Puntland ayaa si rasmi ah waxa ay la wareegeen gacan ku haynta Xarunta Baarlamaanka Puntland kadib is-rasaaseyntii xalay ka dhacday ee dhex-martay ayaga iyo ilaalada guddoomiyaha baarlamanka.

Ciidamada Puntland ayaa xaruntaasi kala wareegay ciidan u daacad ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed, oo gacanta ku hayay dhismahaasi.

Labada dhinac ayuu caweysnimadii xalay iska horimaad kulul ku dhex maray afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Puntland, ka dib markii ay weerar soo qaadeen ciidan laga soo diray Aqalka Madaxtooyada Puntland.

Ciidamadii horey ugu sugnaa dhismahaasi oo isaga baxay ayaa suurta-gelisay inay la wareegan ciidamadii ka yimid Qasriga looga arrimiyo Puntland.

Garoowe ayaa waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Cabdixakiin Maxamed Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Iska horimaadkii xalay ka dhacayna magaalada waxaa ku dhintay illaa saddex qof, laba askari iyo nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdikariin Maxamed Faarax (Dhagaweyne).

Wararka ayaa intaa ku daraya in Isimada Puntland ay bilaabeen dadaalo ay ku doonayan in ay ku kala dhex galaan masuuliyiinta, si xaaladda loogu soo celiyo mid caadi ah.

Shaqaaqadii xalay ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa waxaa aad u hadalhaya bulshada deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com