Xiisad ka dhalatay qaraxii 2014 oo ka dhex-taagan SOMALILAND iyo JABUUTI

Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa waxa si weyn loogu eedeyay inay ka gaabisay baarista kiiska qaraxii dalka Jabuuti ka dhacay sanadkii 2014, sida lagu sheegay Warbixin ay dowladda Mareykanku soo saartay.

Warbixintaasi ayaa waxa laga dheehan karayey in dowladda Jabuuti ay Somaliland ka helin wax iskaashi ah oo ku aadan baarista kiiskaasi, taasi oo ay ku eedeynaysay in Somaliland ay sabab u noqotay gaabiska ku yimid baarista kiiskaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa si cad ugu eedeysay in aanu garsoorka Somaliland la samaynin iskaashi buuxa, iskaashi la’aantaasina ay sababtay dib u dhaca ku yimid baadhista kiiskaasi oo dhacay sanadkii 2014-ka.

“Waxa la soo gebo-gabeeyey sanadkii 2018 iskaashi caalami ah oo hordhac ah oo ku saabsan kiiska qaraxii 2014 ka dhacay [maqaaxida] “La Chaumiere” ayaa lagu yiri Warbixintaasi oo ay soo saartay dowladda Mareykanku, isla markaana lagaga hadlayey la dagaalanka argagixisada.

Waxa sidoo kalena lagu yiri warbixintaasi “Dowladda Jibuuti waxa u qorshaysnayd inay bilawdo dacwadda ciqaabta ah 2019. Sida ay sheegeen saraakiil dawladda [Jabuuti] ka tirsan, iskaashi la’aanta  garsoorka deriskeeda Somaliland ayaa ka qayb qaatay dib u dhaca baadhista”.

Warbixinta oo ay soo saartay dowladda Mareykanku ayaan lagu xusin wax jawaab ah oo ay Somaliland ka bixisay eedaha Jabuuti iyo sababaha ay uga gaabisay gacan ka siinta baarista qaraxaasi.

Warbixintaasi uu Mareykanku uga hadlayey la dagaalanka Argagixisada, isla markaana eedaha ay dowladda Jabuuti ku sheegtay gacmo ka laabashada Somaliland, ayaa waxa lagu daabacay 1-dii bishan November bogga Wasaarada arrimaha dibedda Mareykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com