Ciidanka Gor Gor oo ‘soo afjaray’ koox weerartay deegaanka Bariire

Bariire (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in kooxda Al-Shabaab ay maanta deegaanka Bariire ku qaaday weerar culus, balse aan u dhicin sidii loo qorsheeyey.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa soo bandhigay sawirrada meydadka ku dhawaad 30 dagaalame oo dagaalyahanadii weerarka ku qaaday deegaankaas.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa saraakiisha militeriga Soomaaliya ee Bariire ayaa baahisay in ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gorgor ay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose ku dileen 29 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegtay inay ka hortageen qorshihii Al-Shabaab oo ahaa inay weeraraan fariisimaha ciidanka xoogga ee Bariire.

Howlgalkaas oo ay fuliyeen ciidamada ururka 7-aad, guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor oo ka dhacay duleedka Bariire ayaa lagu laayey dhamaan kooxdii isku dayday inay soo weeraraan deegaanka, sida ay sheegeen saraakiishu.

Waxaa la soo bandhigay sawirrada meydadka Al-Shabaab oo la isugu keenay hal-goob, waxayna saraakiisha Gor Gor sheegeen inay soo afjareen dagaalyahanadii soo weeraray, hase yeeshee Al-Shabaab ayaan wax war ah ka soo saarin weerarkaas la sheegay inuu ka fashilmay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan fulisa weerarrada noocaan ah, iyagoo aad u gaada ciidanka dowladda oo saldhiyadooda ay ku weeraraan mararka qaar, waxayna inta badan ka fuliyaan goobaha ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka joogaan gobollada Shabeellooyinka iyo Jubbada Hoose.