DF Soomaaliya oo war ka soo saartay saameynta dagaalka Ukraine, fariina u dirtay …

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in xaaladda ka sii dareysa ee dalka Ukraine darteed ay dowladda ka fikireyso sidii loo badbaadin lahaa nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran gudaha dalkaas colaada cagaha la galay.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Ukraine ugu gacan haatiyey inay la xiriiraan Safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay magaalooyinka Brussels iyo Berlin ee dalalka Belgium-ka iyo Jarmalka o u dhow Ukraine.

“Marka la eego xaaladda amni ee ka jirta dalka Ukraine, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay kula talinaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, oo ay ku jiraan ardaydu, in ay la xiriiraan Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin, si loogu fidiyo caawimaad degdeg ah, looga na daadgureeyo dalkaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay diyaarinta waddooyinka suurtagalka ah ee dadka Soomaaliyeed looga daad-gurayn karo dalka Ukraine iyo bixinta adeegyadooda qunsuliyadeed ee muhiimka ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqaysaa inay muujiyaan feejignaan aad u sarraysa, sidoo kalena ilaashadaan dokumentiyada aqoonsigooda. Kala xiriir Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Berlin: Email-ka: berlinembassy@mfa.gov.so ama Lambarka: +49 176 704 59 491, halka Safaaradda Soomaaliya ee Brussels aad kala xariiri karto Email-ka: service@somali-embassy ama Lambarka: +32 466 227 727,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay caawa so saartay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa safaarad ah kuma lahan dalka Ukraine, waxayna qaar ka mid ah Soomaalida ku sugan noo xaqiijiyeen inay kor u dhaafayaan 200 oo qof, kuwaas oo u badan arday wax ka barata Jaamacadaha dalkaas.

Warbaahinta dowladda ayaa maanta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ka soo xigatay in 30 qof oo Soomaali ah oo ku xirnaa wadanka Ukraine xabsiyada laga siidaayay, sida noloshooda ay u badbaadsadaan.

Dadkaan la siidaayay ayaa la filayaa inay ka baxaan dalkaas, waxaana socda dadaallo ay wado wasaaraddu oo lagu  doonayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku tagaan dalalka dariska la ah Ukraine, sida uu baahiyey Radio Muqdisho oo soo xiganaya wasiirka arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse.