Ciidanka Haramcad oo hub ka qaatay guriga taliyihii hore ee ciidamada Xoogga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Haramcad ee Dowladda Soomaaliya ayaa Xalay weerar ku qaaday guriga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay Taliyihii hore ee ciidamada Milatariga Axmed Jimcaale Cirfiid.

Guriga ay ciidamada Haramcad weerareen ayaa wuxuu ku yaalaa agagaarka Isgoyska Taleex, waxaana halkaas tagay ciidamo ka tirsan Haramcad.

Ciidamada ayaa guriga taliyaha ka qaatay hub badan iyo qoryaha fudud, sidoo kalana waxay isku dayeen inay qaataan gawaari halkaas taalay balse uma suurtagelin.

Ciidamada Hamracad ee weeraray guriga taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Cirfiid ayaa jabiyey albaabka hore ee guriga xilli uu taliyaha ka maqnaa.

General Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa la sheegay inuu safar debadda ah ku maqan yahay sababo la xiriiro dhanka Caafimaadka.

Illaa hadda lama oga sababta keentay weerarkaan, mana aysan ka hadlin Dowladda Federaalka Soomaaliya.