Xasan Daahir Aweys oo hanjabaad culus soo diray

Muqdisho (Caasimada Online) –  Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo dhowr sano ku jiro xabsi guri ay kor kala socoto Dowladda Soomaaliya ayaa hanjabaad culus hawada usoo mariyey Dowladda Mareykanka kadib markii duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday degmada Saakow lagu dilay Cabdulqaadir  Cusmaan Yarow Kumandoos.

Sheekh Xasan ayaa sheegay in C/ Cabdulqaadir  Kumaandoos uu xanuunsanaa isla markaasna uu ahaa bukaan socod, wuxuuna tilmaamay in la dilay isagoo gurigiisa iska joogo oo aan wax dagaal ah ku jirin sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Xasan ayaa Dowladda Mareykanka ugu hanjabay inay la kulmi doonaan wax ay taariikhda xusi doonto haddii aysan jawaab deg deg ah ka bixin duqeyntii lagu dilay Kumaandoos xilli uu muuqaal uu soo duubay soo dhigay baraha Bulshada.

“Haddii aadan kasoo garbixin godobtaas waxaan bixin doonaa jawaab adag, waxaana reebi doonaa raad qarniyo badan aad xusuusataan. Anigoo idiin xiran oo xabsi kujira ayaan idiin hanjabayaa..wuxuu noqon doona arrin qarniyo socda.. haddii aadan jawaab sax ah ka bixin idinkaa eedi doona.. inaad eedaan ayaan idinn tusin doonnaa… waa idin dilaa ma lihi laakiin wax taariikh reebi doona ayey noqoneysaa”  ayuu yiri.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sii hadlayey ayaa sheegay in Cabdulqaadir Kumaandoos uu ahaa shakhsi ka tirsan ciidamada Qalabka sida isla markaasna wuxuu ku nuux nuuxsaday inuu ka dhintay Soomaalida oo dhan.

“Kumandoos wuxuu ahaa wiil Soomaaliyeed. Soomaali ayuu ka dhashay, Soomaali ayaa soo korsatay, Soomaali ayaa soo waxbartay, Soomaali ayuuna wax u taray, sida magaciisa ka muuqata wuxuu ka tirsanaa ciidamada Qalabka sida sidaas darteed dilkiisa waa godob Soomaali oo idil laga galay”.

Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Kumandoos ayaa ahaa laba shakhsi oo saaxiibo ah oo muddo badan isla soo galmay, waxaana xusid mudan in Kumandoos uu kamid ahaa saraakiishii Milateriga ee Xoogga dalka Soomaaliya, kadibna wuxuu ka mid noqday ururkii Al-itixaad, wuxuu qeyb ka ahaa dagaalkii ciidamada Itoobiya lagula galay Muqdisho 2007 – 2009, wuxuu xoghayaha difaaca ka ahaa ururkii Xizbul Islaam ee uu hogaaminayay Sheekh Xasan Daahir Aweys, markii danbena wuxuu ku biiray Ashabaab isagoo oday iyo hoggaamiye.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin hanjabaadda kasoo yeertay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jiro, waxaana suuragal ah in arrintaan ay abuurto xiisad culus.