25.9 C
Mogadishu
Saturday, January 24, 2026

Ciidanka ICE oo toogasho ku dilay haweeney iyo xiisad ka taagan Minneapolis + Sawirro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Kastamada (ICE) ayaa Arbacadii toogasho ku dilay darawal haweeney, magaalada Minneapolis oo uu ka socdo ololaha socdaalka ee ugu dambeeyay ee maamulka Trump uu ka wado magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka. 

Toogashadan ayaa saraakiisha federaalku ku tilmaameen fal is-difaac ah, balse duqa magaalada ayaa ku sifeeyay mid “taxadar la’aan ah” oo aan loo baahnayn, halka muuqaallo ay muujiyeen in gabadha la toogtay ayada oo aan halis ku aheyn askarta. 

Muuqaallo ay duubeen dad goobjoogayaal ah oo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya sarkaal u soo dhawaanaya gaari nooca SUV-ga ah oo dhex taagan wadada, isagoo dalbanaya in darawalku furo albaabka, gacantana u taagaya qabsada-albaabka.

Gaariga ayaa bilaabay inuu horay u dhaqaaqo, waxaana sarkaal kale oo ka tirsan ICE oo hor taagnaa gaariga uu lasoo baxay hubkiisa, isagoo isla markiiba ugu yaraan laba xabbadood ku dhuftay gaariga, kadibna dib u boodaya markii gaarigu usoo dhaqaaqay dhankiisa.

Muuqaallada lagama dheehan karin haddii gaarigu uu taabtay sarkaalka iyo in kale. Gaariga SUV-ga ah ayaa kadib xawaare ku dhaqaaqay, wuxuuna ku dhacay laba baabuur oo dhinaca wadada yaallay ka hor inta uusan istaagin. Goobjoogayaasha ayaa qeyliyay, iyagoo naxdin ka muujinaya wixii ay indhahooda ku arkeen.

Toogashadan ayaa calaamad u ah sii xumaanshaha hawlgallada socdaalka ee taxanaha ah ee laga wado magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka xilliga maamulka Trump.

Dilka darawalkan, oo magaceeda lagu sheegain Renee Nicole Good oo aheyd 37 jir, ayaa noqonaya dhimashadii shanaad ee ka dhalata ololaha adag ee socdaalka ee maamulka Trump uu bilaabay sannadkii hore.

Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem, oo booqasho ku joogtay Texas, ayaa dhacdada ku tilmaamtay “fal argagixiso gudaha ah” oo ka dhan ah saraakiisha ICE, kaas oo ay geysatay haweeney “isku dayday inay jiirto oo gaarigeeda ku dhufatay.”

Waxay tiri: “Sarkaalkeennu wuxuu u dhaqmay si degdeg ah oo is-difaac ah, wuxuuna riday xabbad si uu naftiisa iyo dadka kale u ilaaliyo.”

Hase yeeshee, Duqa Minneapolis Jacob Frey ayaa hadalka Noem ku tilmaamay “qashin” (hadal aan jirin), wuxuuna si kulul u dhaliilay ciidamada federaalka ee tiradoodu gaarayso in ka badan 2,000 oo la geeyay magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul.

“Waxa ay sameynayaan ma ahan inay amni ka dhaliyaan Mareykanka. Waxay abuurayaan fowdo iyo kala shaki,” ayuu yiri Frey, isagoo ugu baaqay ciidamada federaalka inay magaalada isaga baxaan.

Taliyaha Booliska Minneapolis, Brian O’Hara, oo si kooban uga hadlay toogashada, ayaan bixin wax tilmaam ah oo muujinaya in darawalku isku dayay inuu cid waxyeelleeyo. Wuxuu xaqiijiyay in haweeneyda madaxa laga toogtay.

“Haweeneydan waxay saarnayd gaarigeeda, waxayna xirtay wadada Portland Avenue… Mar qura, sarkaal federaal ah ayaa u soo dhawaaday isagoo lugeynaya, kadibna gaariga ayaa dhaqaaqay, kadibna wuu toogtay,” ayuu yiri taliyuhu.

- Advertisement -

Read more

Local News