Ciidanka Kenya oo Xalay Gubay Xaruntii Hormuud ee Khadiijo Xaaji

Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Milateriga Kenya ayaa xalay gubay xarun ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku leedahay tuulada Khadiijo-Xaaji oo udhexeysa magaalooyinka Beled Xaawo & Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wararka laga helayo Deegaankaasi ayaa sheegaya in Kolonyo ka tirsan Ciidanka Kenya ay xalay abbaaro 5-tii Saac gudaha u galeen tuuladaas iyagoo dab qabadsiiyey Xarunta Shirkadda oo ehayd isgaarsiinta kaliya ee laga isticmaalo deegaankaasi.

Shaqaalihii ka shaqeynayey Xarunta ayaa la sheegay in ay ka carareen xarunta kahor inta aan la gubin.

Waxaana halkaasi ku basbeelay guud ahaan Dhismihii & qalabkii yaallay xaruntaas.

Lama oga sababta ka danbeysa in Ciidanka Kenya ay gubaan Xarunta Shirkaddan oo ah mid si gaar ah loo leeyahay.

Ciidamada Kenya ayaan weli ka hadal dhacdadaan foosha xun , Mar aan isku daynay in aan la xariirno ma suurto gelin.

Ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay Shirkadda Hormuud, Maamulka Jubba land & Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan dhaqankan Cusub ee Ciidamada Kenya ay lasoo bexeen.