Ciidanka xoogga oo sheegay inay dileen 70 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab

Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay Ciidamada  xoogga dalka ku qaadeen degaanka Warta-Jilable, ee gobolka shabeelaha dhexe, halkaasi oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay deegaanka Warta-Jilable lagu dilay 70 saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab, isagoona sheegay in tiro intaa ka badana ay ku dhaawaceen weerarka.

“Ciidamada waxa ay ka dagaalameen aagag fara badan, jab xoogleh ayaana u geysanay argagixisada Al-Shabaab, dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay Warta Jilaable oo hadda noqotay meel dhiigooda uu qariyay biyaha Warta” ayuu yiri Kornayl Cali Xaashi.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in a dilay laba sarkaal oo Al-shabaab u qaabilsanaa waxa ay kooxda ugu yeeraan Jabhadaha, waxaa uuna tilmaamay in weli ku raad joogaan dagaalameyaasha kale ee ka cararay goobta dagaalka.

Afhayeenka ciidanka xoogga dalka ayaa xusay in Al-shabaab markii laga soo xoreeyay tuulooyin dhowr ah ay bilaabeen inay Warta Jilaable gabaad ka dhigteen, halkaasna jab xoogan loogu geystay, isagoo intaa ku daray in ciidamada ay si buuxda gacanta ugu hayaan goobihii lagu dagaalamay.

Kornayl Cali Xaashi ayaa sheegay inay Warbaahinta la soo wadaagi doonaan qasaaraha dhabta ah ee ay ciidamada u geysteen maleeshiyada Al-Shabaab, maadama ay ciidamadu ku howlanyihiin howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Hase yeeshee dagaalka ka dhacay Warta Jilaable ayaa qasaare ka soo gaaray ciidamada Xoogga dalka waxaana ka mid ah askartii ku dhimatay taliyihii guutada lixaad ee ciidamada Gorgor Maxamed Cabdiwaaxid.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in dagaalkaas ay ku dishay 18 kamid ah ciidamada Dowladda Soomaaliya halka ay sheegtay inay ku dhaawacday tiro intaas ka badan.