Duulimaadyadii ay xayirtay KENYA ee Soomaaliya oo xeelad cusub looga wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hakad galay isku socodkii Soomaaliya iyo Kenya, tan iyo markii ay dowladda Kenya xayiraad ku soo rogtay duulimaadyadii iskaga kala gooshi jirey labad dal.

Go’aanka Kenya ay ku xayirtay duulimaadyada ayaa waxa uu go’doon geliyay dad badan oo ku kala sugnaa magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, oo rabay inay u kala safraan, balse maalmo kadib waxaa soo baxday xeelad cusub oo looga gudbay xayiraadaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qaar kamid ah dadkii ku xayirnaa magaalada Muqdisho ee u socday Nairobi ayaa ka dhoofay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Mid kamid ah dadka ku baxay xeelada wareega dheer ayaa u sheegay Caasimada Online in markii uu muddo ku xayirmay magaalada Muqdisho, islamarkaana uu ku qasbanaa inuu tago Nairobi uu go’aansaday inuu ka duulo Addis Ababa.

“Waxaa maalmo u xayirnaa go’aanka Kenya anoo ka dhoofi rabay Muqdisho, qolada diyaaradaha ayaa iisoo jeediyay in aan ka baxo Addis Ababa, Run ahaantii wey ka qarash badan tahay arrintaan midda markii hore oo aan toos uga bixi jirnay Muqdisho,” ayuu yiri.

Arrintaan ayaa u muuqata mid dadka qaar uga gudbayaan xayiraada Kenya, ayada oo suuq cusub oo dhanka duulimaadyada Nairobi u furtay madaarka Addis Ababa, maadama xiligan ay shaqaalaha diyaaradaha dalka kula talinayaan inay aadan Itoobiya si ay uga sii gudbaan Kenya.

Go’aanka ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii iskaga kala gooshi jirey labada dal ayaa timid kadib markii ay dowladda federaalka ku adkeysatay xayiraadii ay saartay qaadka Miirooga, xili la xaliyay khilaafkii diblumaasiyadeed ee labada dal.

Dowladda Kenya ayaa wajaheysa culeys xoogan oo uga imaanaya ganacsatada Jaadlayaasha oo suuqooda u weyn ahaa Soomaaliya, lamana oga xiliga ay dowladda Kenya wax ka badeli doonto go’aankeeda.