Kenya oo yareysay maabka dhererka xeebta Soomaaliya

Maalintii Khamiistii May 27, 2021 oo Soomaaliya looga dabaaldegayey heshiiska doorashada ayaa Kenya waxay ku wargelisay dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobay, Ururada Caalamiga ah iyo diblomaasiyiinta in hawada Kenya iyo Soomaaliya la xiray. Tillaabadaas waxay argagax gelisay dhammaan dhinacyada ay khusaysay. Soomaaliya waxay maalmo uun ka hor si niyad wanaag ah dib ugu soo celisay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Kenya waxaa u dhaqan ah in wax kastoo lagu heshiiyo ay u rogto sida ay doonto. Tusaale waxaa noogu filan heshiiskii is-afgaradka ahaa “Memorandum of Understanding – MOU,” ee Abril 2009 oo ujeeddadiisu ahayd in labada dal midkoodna midka kale uusan ka hor istaagin gudbinta dalabka qolfoofta badda. Kenya waxay heshiiskaas u rogtay mid “xeerinaya soohdinta badda” ee labada dal.

In muddo ah waxay ka wadday Afrika, Yurub, Maraykanka, Bariga Dhexe iyo kuwa kaleba duullaan diblomaasiyadeed, si ay taageero ugu hesho mowqifkeeda dib u soo celinta dacwada badda.

Muqdisho diyaar uma ahayn in wadahadal laba-geesood ah amase mid heer gobol ah ka furto qadiyadda badda ilaa ay Maxkamada ICJ go’aan ka gaarto. Balse shirkadda Rational 360 oo ah “lobbyist,” shaqaalaheeduna u badan yihiin kuwii ka tirsanaa maamulladii Bill Clinton iyo Baraka Obama oo ay Kenya u kiraysatay galaangalkeeda ayaa gadaal ka riixaysay dib u heshiisiinta labada dal.

Shirweynaha QM ee September 24, 2019 ayuu Madaxweyne Cabdifataax Al Siisi ku khasbay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu mar uun si fool-ka-fool ah ula kulmo Uhuru Kenyatta oo xiriir qabow ka dhexeeyay.

Mar kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxuu u rogay kulankii gaabnaa in muranka xuduudda badda ee dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya lagu xallin doono wadahadal.

Qodobka kale oo xiisaddu ay ka taagan tahay ayaa ah ganacsiga. Soomaaliya waa suuq muhiim u ah qaadka Kenya iyadoo ugu yaraan 148 kun doolar ka soo hooyan jirtay bishiiba.

Si ganacsiga uu u noqdo mid dheellitiran oo labada dalba dheef u leh Muqdisho waxay doonaysaa in Kenya dakhliga qaatka ay ku beddelato badeecado Soomaaliyeed. Halka Kenya ay rabto in qaadka uu u ahaado il joogta ah oo kobcisa kaydkeeda lacagta adag.

Toddobaadkii dhawaa wargeysyada Kenya ayaa soo qoray in heshiiska ay Qadar ka tahay garwadeen ay Muqdisho ku oggolaatay in kheyraadka la wadaagto deriskeeda. Inkastoo Wasiirka A. Dibedda Soomaaliya uu beeniyay warkaas, haddana warku waxuu siday fartiin aan horay looga maqlin Kenya.

Isbeddelka mowqifka wuxuu muujinayaa inaysan gacan ku hayn guul sharciga waafaqsan. Balse ha moogaan in Nairobi ay hayso macluumaadkii sahminta aagaas, baarista ENI iyo Total iyo natiijadii ceelka la qoday.

Go’aanka Maxkamdda ICJ waa mid kama dambeys ah, haddana maxkamaddu ma lahan qaab ay ku fuliso xukunka. Garsoore James Richard Crawford oo ka mid ahaa qaalliyadii dhageysatay kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa May 31, 2021 la soo sheegay geeridiisa.

Inkastoo, taas aysan waxba ka beddeli doono garta hortaal Maxkamadda ICJ, haddana hawshu waxay u muuqataa mid hortegi doonto madaxweynaha imaanaya. Su’aal waxay ka taagan tahay, sidee loo aamini doonaa mas’uuliyiinta Kenya!

Waxaa dhiillo hor leh dhalinaya in Kenya ay soo bandhigtay naqshad (maab) hor leh oo dheereerka xeebta Soomaaliyeed ka dhigeysa 3,025 kiloomitir halkii uu ka ahaa 3,333 kiloomitir.

Nasiib wanaag, waxa lagu muran san yahay ma aha dheereerka xeebta balse waa jihada loo jeediyo marka la dheereeriyo laynka xadka ah. Bedka dhul badeedka lagu muransan yahay kuma xirna dheereerka xeebta. Qiilka Kenya wuxuu u eg yahay: Nin Bad Qaadey Xumbo Cuskay!

Hadalka Nairobi ka soo yeeray waxuu halis u yahay inuu sii xumeeyo xiisadda. Dhinaca kale, waxuu marqaati ma doonto u yahay dhaqan xumida Kenya ee aan tixgelin wixii lagu heshiiyo. Kenya waxay u baahan tahay inay Muqdisho kula dhaqanto ixtiraam iyo deris wanaaga maadaama ay dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay Soomaaliya.