Xog: Qaar ka mid ah xubnihii cabashada laga keenay ee guddiyada doorashada oo awood lagu soo celinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Faro-gelin xooggan ayaa lagu billaabay guddiga heerka wasiir ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu u xil saaray baaritaanka xubnaha guddiga doorashada ee ay cabashada ka keeneen Midowga Musharaxiinta kuwaas oo gaaray illaa 67 xubnood, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddigan ayaa shaqadoodu tahay inay mid mid u baaraan xubnaha guddiga, kadibna go’aan kasoo gaaraan kuwa cabashada laga keenay ay saxda tahay si guddiga looga saaro, iyo kuwa aysan saxda aheyn ee ay tahay inaan la taaban.

Waxay kadib warbixintooda usoo gudbin doonaan ra’iisul wasaaraha oo kadib gaari doona go’aanka kama dambeysta ah.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay dood adag ka taagan tahay xubnaha laga saarayo guddiga iyo qaarka lagu reebayo ayada oo durba ay soo baxeen shakhsiyaad awood ku dhex leh dowladda oo difaacaya xubnaha qaar ee cabashada laga keenay.

Shakhsiyaadkan ayaa waxaa ka mid ah wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan kuwaas oo guddiga ku qasbaya in xubnaha qaar aysan guddiga ka saari karin, ayada oo midba uu si gaar ah u difaacayo shakhsi gaar ah.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegay in guddiga ay u hoggaansameen cadaadiskan, ayna qorsheynayaan inay soo celiyaan xubnaha qaar oo ay ka mid yihiin shaqaale dowladeed iyo saraakiil sirdoon.

Arrintan ayaa haddii ay dhacdo dhaawici karta kalsoonidii madax-banaani ee lagu qabay ra’iisul wasaare Rooble oo iminka wajahaya imtixaankiisa koowaad ee maareynta doorashada iyo abuurida jawi kalsooni geliya dhinacyada siyaasadda.

Soo-celinta qaar ka mid ah xubnihii cabashada laga keenay ayaa meesha ka saari karta in la helo guddi doorasho oo dhex dhexaad ah oo lagu wada qanacsan yahay.