Norman Mwongera oo nolol lagu helay kadib 17 maalin oo uu ka dhuumanayey Shabaab

Lamu (Caasimada Online) –  Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Kenya, islamarkaana qeyb ka ahaa koox dhanka ammaanka ah oo loo xir saaray inay kooxda Al-Shabaab ka sifeeyaan deegaanka Lamu ee dalkaas ayaa soo laabtay 17 Maalin kadib oo la weysanaa.

Askarigaan oo lagu magacaabo Norman Mwongera ayaa Arbcaddii dib ugu soo laabtay xeradiisa Basuba GSU oo ku taallo Lamu, kadib markii lagu waayey howlgal ay ciidamada Kenya ku qaadeyn dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa keymaha u dhow Lamu.

Norman Mwongera ayaa waxaa jirkiisa ku yaalay laba dhaawac oo rasaas ah, waxaana la sheegay in mid ay kaga taalay cajirka halka mid kalana ay kaga taalay gacantiisa midig, waxaana durba loo qaaday Isbitaalka si uu daaweyn deg deg ah u helo.

Laamaha Ammaanka ee Dowladda Kenya weli faahfaahin kama aysan bixin sida ay Mwongera ugu suurta gashay inuu keymaha ugu badbaado 17 maalmood maadaama ay halkaas aad ugu xooggan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Waxaa weli maqan oo aan nolol iyo geeri lagu heyn 7 kamid ah kooxda ammaanka ee loo sameeyey inay Al-Shabaab kula dagaalamaan keymaha Lamu kadib dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday oo labada dhinac dhex maray.

Kooxda loo xil saaray inay Shabaab ka sifeeyaan Lamu ayaa waxaa hoggaaminayo illaa 10 sarkaal oo loo soo xulay howlgalkaas, wuxuna howlgalka bilowday markii kooxda Al-Shabaab lagu arkay deegaanka Mangai taariikhdu markii ay ahayd 17-kii May.

Saraakiishaan oo saarneyd diyaarad helikobtar ah ayaa iska caabin xoog leh kala kulmay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan keymaha, waxaana ugu dambeyntii lagu qasbay inay diyaaradda dajiyaan oo ay ku dhuuntaan keymaha, kadibna waxaa bilowday dagaal fool ka fool ah oo sababay in la dilo laba kamid ah saraakiishaas halka 8-dii kale ay duurka u carareyn, waxaana illaa hadda la helay kaliya Mwongera halka todobadii kale aan la ogeyn halka cirib iyo jaan dhigeyn.

Kooxda Al-Shabaab ayaa awood weyn ku leh keymaha u dhow Lamu, waxayna halkaas kasoo qaadaan weeraro ay ka fuliyaan deegaano ku yaalo gudaha Kenya, waxayna ciidamada Kenya weli ku guuleysan la’yihiin inay halkaas ka saaraan Al-Shabaab.