Ciidankii lagu mursansanaa ee beeshoodu ay diiday oo loo qaaday Dhuusamareeb

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka ka ambabaxay ciidamo lagu tababaray magaaladaasi oo u dhaqaaqay dhanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug

Qaadista ciidamadan oo uu muran ka taagnaa muddooyinkii dambe ayaa hadda xal laga gaaray, iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay inay u safraan dhanka Dhuusamareeb.

Odayaasha dhaqanka Beledweyne ayaa horay uga biyo diiday in ciidamadaasi la geeyo Galmudug, iyagoo sheegay in baahi weyn oo amniga ah ay ka jirto gobolka Hiiraan.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan oo u dhexeysa saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo iyo odayaashaasi, taas oo haatan la xaliyey.

Ciidamadani ayaa la sheegay in ay ka howlgali doonaan magaalooyinka waa weyn ee Galmudug, iyaga oo ka shaqeynaya nabad gelyada deegaanka.

Dhowaan ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo Galmudug, taas oo ay qaban qaabineyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne 
caasimada@live.com