XOG: Madaxda dowladda Soomaaliya oo go’aamiyey in la xiro Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya ay isku raaceen in la xiri karo madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), labadiisa ku xigeen iyo Saraakiil kale oo katirsan maamulkaasi.

Xubno ka tirsan hay’adaha amaanka Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa sheegay in amar lagu siiyay qofkii xil ka haya Jubbaland oo soo mara magaalada Muqdisho in ay xiri karaan sida Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Amarkaan ma ahan mid cusub balse Caasimada Online oo maalmahaan ku waday baaritaan waxay soo ogaatay in markii la amray in diyaaradaha Kismaayo ka baxa iyo kuwa ku socda ay soo maraan magaalada Muqdisho, ciidamadana lagu amray in la xiro Madaxweynaha Jubbaland iyo labadiisa ku xigeen iyo waliba dhowr qof oo kale oo ku jira Wasiirada, Xildhibaanada iyo Saraakiil ciidan.

Lama oga sida ay arintaan ku dhaqan geli karto, balse waxaa jira warar sheegaya in Axmed Madoobe uu Kismaayo uga bixi karo oo kaliya dhinaca Badda inta uu kala heshiinayo dowladda Soomaaliya oo la sheegay in ay raadineyso fursad ay ku qabato.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale awooda inuu raaciyo diyaaradaha helicopter-ka ciidamada Kenya oo aan u baahneyn inay xiriir la sameeyaan hay’adda duulista, kuna tegi karo Nairobi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ma awoodo in ay Axmed Madoobe ka soo qabato Kismaayo maadaama ay halkaasi joogaan Ciidamo awood leh oo maamulkiisa ka amar qaata balse ay dooneyso in ay ku qabato Muqdisho markii uu soo maro isagoo transit ah sida Wasiir Janan, taasi oo aan dhici doonin sida muuqato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com