Cilinka adduunka ugu xoogan oo jecel NAAG ka dheer wax badan oo NIN soo ahaan jirtay (Sawirro)

London (Caasimadda Online) – Nin dhirirkiisu yahay 4feet iyo 4inches ama 1.32 meter isla markaana sheegtay inuu yahay ninka ugu xoogan cilinada caalamka ama dadka gaagaaban ayaa jacel haweeneey dhirirkeedu yahay 6feet iyo 3inches ama 1.90 meter oo markeedii hore ku dhalatay raganimo.

52 sanno jirka Anton Kraft, ayaa culuyskiisu yahay 36 stone wuxuuna jeclaaday China Bell lix bilood ka hor ah isagoo shukaansi la bilaabay, sida ay ku warrantay jariiradda Daily Star.

43 sanno jirta kasoo jeeda Florida, ayaa markeedii hore dhalatay iyadoo lab ah ama rag ah laakiin waxay haatan isku bedeshay dhadig ama dumar, Kraft ayaana ah taageereheeda ugu weyn, waxayna sheegtay inuu ninkaan gaaban si aad ah ugu nuurayo maadaama uu galmoodka ku fiican yahay.

Kraft ayaa ah nin dheela ciyaarta musaaricada ee dadka cilinada ah, jaceylkiisa Bell ayaana tiri: “Marka aad heysato suunka horyaalka adduunka ee musaaricada wax badan ayey kuula micno tahay.”

Bell ayaa sheegtay in abidkeed aysan shukaansan nin u gaaban sida Kraft taasoo ay sidoo kale ku sheegtay arrin soo jiidasho leh waxayna sheegtay inay ku faraxsan yahay inay siiso fursaddaan maadaama uu yahay shaqsi cabii ah oo ay si aad ah u kala duwan yihiin.

Kraft ayaa isna daaha ka qaaday sababta uu dumarka uga soo xushay Bell oo in badan ka dheer, wuxuuna sheegay in maadaama ay ku dhalatay raganimo markeedii hore ay garaneyso sida raga loo qanciyo. Wuxuuna sidoo kale sheegay inuu haatan isku dareemayo inuu yahay ninka adduunka ugu nasiibka badan.123 111