Xog: Duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi oo maanta bilaabmaya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhura Kenyatta ayaa 23 Bishaan isku raacay in dib loo bilaabo duulimaadyadii tooska ahaa ee dhex mari jiray Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Waxaa lagu heshiiyey in la joojiyo maritaanka Diyaaradaha Muqdisho ay mari jireyn Magaalada Wajeer si halkaas baaritaan loogu sameeyo, wuxuuna Uhuru ballan qaaday inuu 2 asbuuc gudahood heshiiskaan ku fullin doono.

Haddaba Uhuru oo dhawr ballan oo uusan fulin usoo qabtay madaxdii hore ayaa markaan si daacad ah uga soo baxay ballantiisa, waxaana la filayaa in Maanta oo Arbaco ah ay diyaarad ka tagto Muqdisho ay toos uga dagi doontaa Magaalada Nairobi.

Diyaaraddaan Maanta imaan doonto Muqdisho ayaa soo dagi doonto 8:00Am subaxnimo xilliga Geeska Africa, nooceedana waa SAX 540 , waxaana xarigga ka jari doono Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Diyaaradaan oo ka imaan doonto Nairobi ayaa sida uu qorshuhu yahay Muqdisho dib uga laaban doonto 9:00am xilliga Geeska Africa  waxayna si toos ah u wajihi doontaa Magaalada Nairobi, lamana mari doono Wajeer oo aheyd meel si weyn loogu dhibi jiray Soomaalida u socoto Kenya.

Tallaabadaan uu madaxweynaha kasoo dhaadhacsiiyey Uhura Kenyatta ayaa ah mid aad ugu fiican Soomaalida inkastoo dowladihii ka horeeyey Farmaajo ay horey usoo bilaabeyn wadahadlka ku aadan duulimaadka tooska ah ee Nairobi.

September 4, 2016-kii ayey aheyd markii labada madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta ay saxiixeen heshiis ay labada dal horay u galeen February 2016-ka. kaas oo saxiixa labada mas’uul ka dib la sheegay in uu shaqeyn doono, xilligaasna Uhura wuxuu qabsaday inuu seddex bil kadib bilaabi doono.

Sawirada iyo qaabka ay u dhacdo xafladda kooban ee maanta dib loogu furi doono duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi waan idinla socod siin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com