Xog: Maxay tahay sababta Jawaari uusan u shir guddoomineyn kulanka maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta waxaa lagu wadaa in xukuumadda ra’isul wasaare Kheyre la hor geeyo baarlamaanka Soomaaliya si codka kalsoonida loogu qaado kadin muran badan maalmo hareeyey.

Maanta ayaa lasoo gabagabeeyey khilaafkii ka dhashay wasiirada ee u dhaxeeyey madaxweynaha, ra,iuslwasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlaamanka kadin markii Prof. Jawaari lagu qanciyey inuu aqbalo xukuumadda isla markaasna uu ka shaqeeyo sidii codka kalsoonida loo siin lahaa.

Guddoomiye Jawaari ayaa kulanka Maanta shir guddoomin doonin, maadaama uu yahay Ku simaha Madaxweynaha, kaddib markii maanta Madaxweyne Farmaajo uu dalka ka dhoofay, midaasna waxay ka dhigan tahay inuu Maanta baarlamaanka Shir Guddoomin doono C/wali Ibraahim Muudey oo ah Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay u baxay safar uu kaga qeyb galayo Shirka ururka Jaamcadda Carabta uga furmayo 28 March wadanka Jordan, wuxuuna safarkaan kusoo aaday xilli maanta Baarlamaanka Soomaaliya ay kalsoonida u qaadayaan xukuumadda uu soo dhisay Ra’isulwasaare Kheyre.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa loolan adag u galay sidii uu u hor istaagi lahaa ansixinta golaha wasiirada, balse kulan uu la  yeeshay madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa lagu dhameeyey Khilaafkaas.

Sida xogta sheegeyso maanta waxaa la filayaa in wasiirada la ansixiyo si ay dowladda u shaqo bilawdo maadaama wadanka uu ku jiro Abaaro iyo xaalado bini,aadanimo oo halis ah, waana midda keentay arrintaan in cadaadis lagu saaro Jawaari inuu iska dhaafo Khilaafka iyo mucaaradnimada isla markaasna uu fiiriyo xaaladda Dalka ku jiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com