Ciqaabta ay mudan karaan xildhibaanadii fowdada ka sameeyey golaha shacabka

Muqdisho(Caasimada Online) – Garyaqaan Mukhtaar Nuur Abuukar oo ah sharci yaqaan ayaa ka hadlay dhacdadii baaarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan buuqii ka dhashay kulankii u dambeeyey ee lagu ansixinayey golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya.

Mukhtaar oo wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta Goobjoog ayaa shaaca ka qaaday in wixii ka dhacay baarlamaanka ay ahaayeen fal-dambiyeed ay aheyd in horey loo dhaqaajiyo.

Garyaqaanka ayaa xusay in xittaa aysan u baahneyn arrintaas xasaanad ka qaadis, balse ay aheyd in tallaabo adag laga qaado xildhibaannadii buuqa sameeyey.

“Waxa meesha ka dhacay waxay aheyd fal dambi, waxay aheyd in la dhaqaajiyo oo horey loo sii guda-galo, uma baahna xittaa xasaanad ka qaadis” ayuu yiri Mukhtaar Nuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintooda laba si loo wijihi karo, mida koowaad in lagu qaado xeer hoosaadka Golaha Shacabka, ama waxa uu ka qabo sharciga u yaalla dalka.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in muhiim ay tahy in mar weliba la ilaaliyo sarreynta qanuunka dalka, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay falkii ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya, xilli uu ku sugnaa xarunta ra’iisul wasaaraha cusub, Xamza Cabdi Barre.

“Haddii aan fiirino sarreynta sharciga, sharciga isaga ayaa u sarreeyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomalaiya cid Alla cidii wuxuu sharciga dhigaya jebisa oo dambi geysata wuu qabanayaa, wuuna saameynayaa,” ayuu markale yiri Garyaqaan Mukhtaar Nuur Abuukar.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo shalay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Sheekh Aadan Madoobe uu guddi u xil-saaray dhacdadii baarlamaanka, si ay daba-gal ugu sameeyaan falkaasi loolana xisaabtamo xildhibaanadii buuqa ku sameeyay kulanka Golaha.

Xubnaha guddigaan ayaa kala ah:

  1. Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abuukaato)
  2. Xildhibaan Axmed Maxamuud Jaamac
  3. Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin
  4. Xildhibaan Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji
  5. Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed